Sawiro:Maamulka Gobolka Banaadir oo mar kale is hortaagay waddo la xiri lahaa

18 Okt 2015 (Puntlandes) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar ka hor yimid amar uu bixiyay Wasiirka Amniga Qaranka DFS, kaasoo ahaa in la xiro wadada u dhexeysa isgoyska K4 iyo Hoteelka Jaziira ee Magaalada Muqdisho, sidaas ayaa lagu sheegay warsaxaafadeed maanta kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir.

Warsaxafadeedka ayaa lagu sheegay in Wasiirka Amniga Qaranka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed uu keenay saaka ciidan bartamaha waddada iyo birooyinkii lagu xiri lahaa wadada, kadibnawaxaa  gaaray goobta mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadiriyagoo meesha ka qaaday birihii iyo waxyaabihii kale ee la doonayay in lagu xiro laamiga.

Warsaxafadeedkii uu soo saaray Godoomiye Muungaab ayuu ku yiri “Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa wacad ku maray inaysan waddo Xamar ku taalla xirnaan doonin; iska daa in kuwa kale la xiro, waana waajib Dowladda Hoose saaran in waddooyinka xiran la furo; waxaana iska leh awoodda in waddo la xiro ama la furo Duqa Muqdishu,”

Dhanka kale maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay hay’addaha amaanka gobolka inay ka hortagaan jidgooyooyinka uu amarkooda bixiyay wasiirka amniga Qaranka oo ay sheegeen inay tahay shaqo uusan lug ku lahayn.

Warsaxafadeedka ayuu wuxuu kaloo ku yiri “Dowlada dhexe ee dalka waxaan faraynaa in hay’ad walba loo daayo hawsha ay leedahay, waayo inaan innagag canshuurta guryaha bixiya dhano shacabka aan ku dhisno waddada Wadnah iyo in wasiir heer federal ah uu burburiyo laami ay Turkigu noo dhiseen meel islama galayso

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadaysaa iyadoo maalmo ka hor uu ku hor istaagay Gudoomiyaha Muqdisho amar uu bixiyey Wasiirka Amniga Qaranka DFS oo la xiriiray Wado la xirayey.
111b

111ba

111bb

111bc
Puntlandes.com
 

About The Author