Ardayda iyo jaaliyada reer Puntland ee Uganda oo Casumad & soodhawayn u sameeyey Wasiirka Cadaalada, Diinta iyo Dhaqan celinta PL Saalax Xabiib

18 Okt 2015 (Puntlandes) Ardayda iyo Jaaliyada reer puntland ee dalka Uganda ayaa maanta Caasimada kamapala casuumad ugu sameeyey Wasiirka cadaalada, Diinta iyo Dhaqan celinta dowlada Puntland.

Ardayda iyo Jaaliyada ayaa Wasiirka kusoo dhawaysay dalka Uganda, isagoo Wasiirku ugu horayn u mahadnaqay Ardayda iyo Jaaliyada  Casuumada iyo Soodhawaynta ay u sameeyeen kadibna warbixin ka siiyey Puntland.

Wasiirku wuxuu kubooriyey Ardayda iyo Jaaliyada in dalkii loo laabto oo maal iyo Maskaxba horumarka laga qayb qaato.

Warbixintan waxay warbaahinta Puntlandes kasoo xigatay Sayid Cabdiwahid Xirsibile oo ku magacdheer Hasan chemistary, kana mid ah Ardayda aad u firfircoon ee reer Puntland ee wax ka barta dalka Uganda barta uu ku leeyahay Facebook ga.

112aa

112ab
Puntlandes.com

About The Author