Dhagayso: Madaxweyne Xasan Shiikh oo sheegay in Somalia Beesha Caalamku ka taliso

19 Okt 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS ah Xasan Sheekh ayaa sheegay Soomaaliya aysan madaxbanaanayn waxbadan ka dhiman yihiin Qaranimadeeda , wuxuuna u sabaeeyey inaysan wali Soomaalida go’aannada qaarkood gaari karin.

Xasan Shiikh ayaa yiri maruu la hadlayey Shacabka Soomaaliyeed “Hadeynan bixin canshuurta Qaranimadeena waxbaa ka dhiman, go’aanada qarkood ma gaari karno, maxey kula tahay inan dhahno oo an ajanabi ula tagno mooye,maxaa yeelay kalmadooda banu baahanahay kama careysin karno”

Hadalkan kasoo yeeray madaxweyne Xasan Shiikh ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo caynkiisa ah, waxaana hore looga bartay Xasan Shiikh oo dhahaya Soomaaliya KMG way ka baxday oo waxaan madaxweyne ka ahayn “Dawlad” ah sidii dawlad lagu yaqiinay!!!!


Puntlandes.com

About The Author