Sawiro: Jaaliyadda Puntland ee UK oo Gudoomiye doortay

18 Okt 2015 (Puntlandes)  Waxaa xalay ka dhacday Waqooyiga magaalada London ee dalka UK Xaflad balaaran oo lagu dooranayey Gudoomiya Jaaliyadda Puntland ee dalka UK, isla markaasna lagu Turxaan bixinayey madmadow yaryar oo jiray maalmihii u dambeeyey.

113ba

Sawirlka kore: Bidix Gudoomiye Cabdiraxmaan Xaaji Cabdulle & midig Aqoonyahan Bashiir

Waxaa Gudoomiye dib loogu doortay Cabdiraxmaan Xaaji Cabdulle  oo Gudoomiye loo Doortay Bishii May 2015, Shaqadaas loo igmadayna si habsamiya oo loo riyaaqay uyuu u gutay mudadii uu Xilka hayey.

Waxyaalaha Gudoomiye Cabdiraxmaan Xaaji Cabdulle lagu amaanayna waxaa ka mid ahaa sidii uu Lacagaha badan ee Deeqda ah u Gaarsiyey Qaxootigii Yemen Ee Puntland usoo Barakacay.

Odoyaal, waxgarad iyo aqoonyahanadii ka hadlay waxay ugu baaqeen Jaaliyada Puntland ee UK inay Gudoomiyaha si fiican ula shaqeeyaan kana Soo Qayb galaan Shirka uu dhawaan kusoo Bandhigi doono Qorshaha Shaqo ee u Dagan Gudoomiyaha.

Waxaa isla Xalay la isku raacay in la qabto Todobaadka soo socda Xaflad balaaran oo Gudoomiyaha iyo Aqoonyahanku kusoo bandhigi doonaan qorshohooda ay ku hagi doonaan jaaliyadda Puntland ee UK, waxaana lagu casuumay Xafladaas inay kasoo qayb galaan Qaar ka mida TV yada Soomaalida.

Ugu dambayntii waxaa loogu hambalyeeyey Cabdiraxmaan Xaaji Cabdulle  Xilka Culus ee loo Doortay iyadoo loo balan qaaday in lala shaqayn doono.

113ba

113bb

113bc

 

113c

113d

Puntlandes

 

 

About The Author