“Shimbirayohow heesa oo hees wanaagsan ku heesa”

21 Okt 2015 (Puntlandes) Maxaa ka soo baxay wixii loogu yeeray shirkii madasha qaran?

Muddo 24 sano ah, waxaa laga joogaa markii ay burburtay dawladii Soomaaliya. Waxaa caado noqotay mudadaas in rag sheeganaya inay Soomaalida wakiilo u yihiin, inta  Hoteelo tagaan ay soosaaraan maaweelo loogu yeeray war murtiyeed ( murtidooy xaal qaado).

Taas waxaa ka sii daran, in shacabku intaas ka rajeynayaan ragaas in shirkoodu uu dhalo wax uun wanaaga.  Waa fursad maalin kasta taagan, rajudana waa !00%. Laakiin gabo gabada shirka, waxaa cadaata in loo baahanyahay shir kale, rajadii 100% ahaydna waxay u guudhaa shirka soosocda. Waxaa lasii odorosaa waxa kasoo bixidoona iyadoo qofba siduu jecelyahay u fasirto. Qofka yiraahda,  rajaduna waa 0%, Nimankaanina waa kuwo aan hayn waddadii dhibka looga bixi laah, waxaa la oronayaa waa balo sheeg.

Taasi waxay keentay in mudo rubuc qarni ah, iska dabawareeg iyo in maaweeladu halkeedii kasiisocoto lagu jiro.

Waxaa is weydiin leh sababta ay dadku isu weydiin la´yihiin, ma waxaan ku jiraynaa maaweelo iyo in shirkii kastaaba uu mid kale dhalo?

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa ninkaad kabo ka tolonaysid kuwiisaa la eegaa.

Marka la eego raga talada dalka isaga kala danbeeyey rubuc qarnigaas, waa niman caynkee ah?  Ma la aamini karaa?

Arrinta shacabka, marka la eego, waxaa rajada aan dhamaan galinaysa, waa rabitaan iyo hamuun ay  u qabaan in ay ummadda caalamka mar uun la mid noqdaan, oo aqoonsigoodu dunida ka shaqeeyo, oo ay helaan maal gashi caalami ah si ay shaqo u helaan, oo nolol iyo nabadgelyo u helaan. Qaar badan oo shacabka Soomaalida ah waxay ku noolyihiin qurbaha iyo xeryaha qoxootiga oo waxay doorbidi lahaayeen in ay ku noolaadaan dhulkooda hooyo, kaas oo lamid ah waddamada caalamka.

Madax kusheegga isasoo badelayey. Waxay leeyihiin hal tilmaan iyo hal yool, laakiin waxay ku kala duwanyihiin suuradda iyo xeeladaha  ay isticmaalaan.

Qaar waxay ahaayeen hogaamiye kooxeed ah qabqable dagaal. Isagu wuxuu ku soo caan baxay in uu si toos ah wax u laayo, u iibsado hantida dadka ka dhaxaysa, bada oo uu qashin ku shubo. Yoolkoodu wuxuu ahaa in ay helaan awood iyo maal si kasta oo ay ku helayaan, kumanaan qofba ha ahaadeene, (hoobiyaha laba labo u soo daa).

Waxaa bedeley, qaar diin sheeganaya oo si loo aamino labaxay gar, qaatay cimaamad iyo khamiis. Waxay Iyana dadka ugu sheekayn jireen in ay shareecada dadka ku dhaqayaan, waxay bilaabeen in ay si dulmi ah shacabka intiisa tabarta daran gacmaha iyo lugaha jaraan, iyagana yoolkoodu wuxuu ahaa, sida saaxiibadoodii ka horreyey awood iyo maal, (waxaa laga dhaxlay hadal taarikhda galay oo uu waraysi ku bixiyey mid kamida nimankaas, eraygaas oo ahaa “ Arooy hanaa igalay”, waa markii la arkay isagoo gacmaha kula jira ficilladii qabqablaha.

Kuwaas waxaa badelay Qaar suud (suit) isku giijiya oo sheegta aqoonyahay. Laakiin dhaqamadoodu aysan acraabiga waxba dhaamin. Nin walbaa wuxuu jajabinayaa xoogaa Ingriis, (English) ah  ama luqad kale oo qalaad. Waxay isaga daba noqdaan niman la baxay ama ay iyagu ugu yeeraan beesha caalamka. Waxay ka siman yihiin in ay qortaan sumad (title) layiraahdo Dr. wada haysta PhD aan meela kasoo gelin dhaqankooda. Waxay xeelad ahaan qolyihii ka horeeyey dheeryihiin af macaani iyo in ay ka sheekeeyaan horumar iyo madaama ay aqoonyahan yihiin ay dadkoo idil cagaar iyo barwaaqo cagaha u darayaan. Marka la waydiiyo goorta waxa ay sheegayaan ay dadku arkayaan, waxay oran, waad degdegeysaan. Qoladaani waxay uga duwanyihiin kuwii ka horreeyey waxay aad ugu xeel dheeryihiin laaluushka iyo musuqmaasuqa, marka waxay kicinayaan koox u guulwadaysa.

Mararka qaar waxay sheegaan hanjabaad ah in beesha caalamku ay tillaabo ka qaadayso cidda ka hortimaada waxay samaynayaan.

Yoolkoodu iyagana waa awood iyo maal. Kuwaani waa ka cir weynyihiin kuwii iyaga ka horreeyey oo Soomaaliya oo dhami waa iib. Bad iyo dhul waxaana iibsan kara cid kasta oo jawaan lacaga wadat.

Mar haday  garwadeen u noqdeen Soomaalida nimanka caynkaas ah, ma laga filayey in ay abbaaraan halka sartu ka quruntay, oo ay keenaan qaabkii looga bixi lahaa. Maya, maya, maya,  sheekada Soomaalidu waxay ku dhantahay, aynu shirno oo ku ballanno shir kale iyo shimbirayohow heesa.

1106

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Puntlandes.com

 

 

 

About The Author