Kooxda Monitoring Group oo warbixin kasoo saartay Arimaha Soomaaliya

22 okt 2015 (Puntlandes) Warbixin dheer oo ay soo saartay Guddiga Qaramada Midoobey u qaabilsan kormeerka cunaqabateynta Soomaaliya iyo Eritrea ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan xaalada Soomaaliya.

119b

Guddiga ayaa sanad walba warbixin ka soo saara xaaladaha Soomaalida, sida musuq maasuqa, amniga, burcad badeedka, dhoofinta dhuxusha, argagixisada iyo arrimo kale, waxaana warbixintan ay aheyd mid aad loo sugayay.
Hadaba halkan hoose ka akhriso

Baarlamaanka

Warbixintan ayaa ku tilmaantay baarlamaanka Soomaaliya inuu yahay mid ku kala baxa lacag marka ay timaado codeyn ama mooshin, waxana ay tilmaantay in baarlamaanka ay labo u qeybsan yihiin qaar taageersan Dam Jadiid iyo Aala Sheekh ah, Qeybtii lacag badan ayaa mar walba guuleysanaysa ayaa lagu yiri Warbixinta.
Dhuxusha
Warbixinta ayaa ka duwanayd tii ugu dambeysay waxaana lagu sheegay in dhoofinta dhuxusha ay hoos u dhacday, gaar ahaan markii bishii octobar 2014 ay gacanta dowladda soo gashay degmada Baraawe, iyadoo dekedana laga joojiyay in laga dhoofiyo dhuxul, Sidoo kale waxaa la xirxirey dad lala xiriirinayay inay dhoofin jireen dhuxusha.

Musuqmaasuqa ka jira sharciga kallumeysiga

Warbixinta ayaa lagu xusay in musuq maasuq baahsan uu ka jiro bixinta fasaxa ama licenka kalluumeysiga, waxaana guddigu uu ogaaday in si qaldan loo siiyo shirkado ajaaniib ah fasax kalumeysi, gaar ahaan shirkado dalka Shinaha ka diiwaan-gashan.

Waxaa ay guddigu ogaadeen in lacagaha laga qaado shirkadaha kalumeysiga ay si qaldan ugu dhacdo akoono gaar loo leeyahay oo ka furan dalka Jabuuti halka ay ku dhici lahayd qasnada dowladda.

Tusaale 15 janaayo 2015 waxaa ku soo xirtey dekeda Muqdisho markab laga leeyahay dalka Yemen oo lagu magacaabo Al-Amal, balse ku safraya calanka Soomaaliya, markabkaas oo shidaal awgii ugu soo xirtey dekeda, hase yeeshee hanti dhowraha qaranka Nuur Jimcaale Faarax ayaa baaritaan ku sameeyay waxaana uu ogaaday in si sharci darro ah uu markabku ugu kallumeysanayo xeebaha Soomaaliya waxaana uu amray in uusan ka bixi karin dekeda, hase yeeshee isla 15-kii Janaayo ayaa markabka uu ka shiraacday dekeda Muqdisho.

Joojinta markabkan ayaa lagu sheegay in ay sababtay in xeer ilaaliyaha in isaga laftigiisa laga hor-istaago 18-janaayo in xafiiskiisa uu galo, balse waxa uu u sheegay hanti dhowraha inuu joojiyay baaritaanka markabkaas sababo la xiriirta ammaankiisa

Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi

Monitoring Group waxa ay sheegtay in qaladaad dhinaca xisaabaadka ah uu ka jiray Safaarada Soomaaliya ee Nairobi xilligii uu maamulayay ambassador Maxamed Cali Nor , intii u dhexeysay January 2014 ilaa iyo April 2015, safaarada waxa ay soo xereysay $960,836 oo laga qaaday 7,500 oo Soomali Baasabooro loo sameeyay iyo dukumintiyo safarada deg dega ah, isla waqtigaas waxaa bangiga dhexe ee Muqdisho ku dhacday $486,258 halka $474.578 aan la ogeyn halka lagu bixiyay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in toban maalmood ka hor inta uusan xafiiska wareejin ambassador Maxamed Cali Nur uu keenay aqoonyahano dhinaca kombiyutarada kuwaasoo tir tiray dhammaan wixii keyd ahaa ee ku jirey, isla markaana baabi’iyay dukumintiyada aan ku jirin computerada ee ahaa keydka u lahaa safaarada.

Halkaan ka akhri Warbixinta oo dhamaystiran

http://www.un.org/ga/search/view_doc.asp?symbol=S/2015/801 

Xigasho:Puntlandpost

About The Author