Sawiro: Ciidan ka tirsan Booliska Puntland oo tababar loogu soo xiray Carmo

30 Okt 2015 (Puntlandes) Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland Gen.Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Afgaduud) ayaa tababar mudo afartan iyo shan cisho uga socday Kulliyada Carmo ugu soo gabagabeeyay qaar ka mid ah ciidanka Booliska Puntlad.

Munaasibadda xiritaanka tababarkan ayaa waxaa sidoo kale joogay mamulka Gobalka Bari, mamulka degmada iyo masuuliyiin kale, waxayna dhammaan masuuliyiintani boggaadiyeen sida kartida leh ee tababarka u qaateen ciidankan.

Taliye Afgaduud ayaa ciidanka tababarka dhamaystay ku bogaadiyay shaqada ay hayaan, sidoo kale waxa uu sheegay in looga baahan yahay waajibaadka saaran inay uga soo baxaan si wanaagsa, isla markasna lala xisaab tami doono askarigii waajibaadkiisa si wanaagsan uga soo bixi waaya.

Gen.Cabdirisaaq ayaa sheegay in ciidanka booliska loo samayn doono aqoonsig kaar, sidoo kalena loo samayn doono xarun xogtooda loogu aruuriyo si loola socda shaqooyinkooda, waxa kale uu sheegay ciidaka Booliska inay mushaharkooda si joogto ah u heli doonaan.

Dhowaan ayay ahayd markii madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas uu tababar ugu soo xiray dugsi ciidanka Ab-qaale ee Gobalka Mudug.
DSC_0083

DSC_0085

DSC_0091

DSC_0094

DSC_0098

DSC_0104

DSC_0107

DSC_0111

DSC_0121

DSC_0125

DSC_0128

DSC_0129

DSC_0134

DSC_0145

DSC_0149

DSC_0152

DSC_0155

DSC_0209

DSC_0228

DSC_0256

DSC_0283

DSC_0288

DSC_0352

DSC_0354

DSC_0355

DSC_0359

DSC_0364

DSC_0365

DSC_0367

DSC_0369

DSC_0374

DSC_0387

DSC_0388

DSC_0408

DSC_0411

DSC_0412

DSC_0416

DSC_0422

DSC_0423

DSC_0424

DSC_0426

DSC_0427

DSC_0456

DSC_0457

DSC_0509

DSC_0546

DSC_0550

DSC_0554

DSC_0556

DSC_0576

DSC_0582

DSC_0593

DSC_0596

DSC_0597
Puntlandtoday.com

About The Author