Daawo Sawiro-Video: Dowladda Puntland Oo Ka Warbixisay Roobab Dabayla Wata Oo Ka Da’ay Bari iyo Gardafuu

3 Nov 2015 (Puntlandes) Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo ay weheliyeen xildhibaano iyo saraakiil katirsan wasaaradda arrimaha gudaha oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa ka warbixiyey khasaaraha khadhashay roobab dabaylo wata oo ku dhuftay gobolada Bari iyo Gardafuu.

Agaasimaha waaxda gargaarka iyo gurmadka masiibooyinka ee wasaaraddaarrimaha gudaha Cawil Buulo ayaa sheegay inay jiraan degmooyin iyo tuulooyin ay duufaantu gaarsiisey khasaare hoy iyo mid hantiyeed, wuxuuna tilmaamay inay weli ku howlanyihiin sidii ay xogdheeraad ah uga heli lahaayeen deegaamada qaar.

Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero wasiir kuxigeenka wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyaga ayaa tilmaamay inay diyaariyeen gudiyo masiibadaan qiimeeya iyo garoon gurmadka laga dejiyo wuxuuna baaq u diray umadda Soomaaliyeed iyo Hay’adaha caalamiga ah.

Wasiir kuxigeenka ayaa sheegay inay masiibadaan Puntland u dheertahay roob la’aan ay mudo latacaalayeen iyo sidoo kale dadkii kasoo cararay wadanka Yemen oo aysan xilligaan dowladdu xamila karin dadka duufaantu waxyeeshay hadaysan garab helin.

Hay’adaha kala duwan ee dowladda Puntland ayaa indhowaalahaan ka digeyey duufaanahaan oo Puntland kaga soo wajahnaa dhanka khaliijka Carabta, waxaana dowladdu ku howlantahay sidii dadkaasi gurmad loogaarsiin lahaa.

vlcsnap-2015-11-03-12h15m26s83 vlcsnap-2015-11-03-12h15m46s255 vlcsnap-2015-11-03-12h16m01s192 vlcsnap-2015-11-03-12h16m18s107 vlcsnap-2015-11-03-12h16m29s227

Puntlandes.com

About The Author