Daawo-Dhegayso: Isimadda Sool, Sanaag Iyo Cayn oo madmadoow dhexdooda Heshiis ka gaarey

24 Nov 2015 (Puntlandes) Isimadda Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa shir ay ku yeesheen Tuuladda Dharkayn-Geenyo ee gobolka Sool waxay ku gaareen heshiis iyagoo xaliyey khilaaf ku dhexjirey qaar kamid ah Isimadda.
Isimada shiray oo ahaa 12 Isim waxaa ka maqnaa Isimada Beesha Dhulbahante Garaad Cali Buraale oo xanuunsanaya kaasoo telephone ka kaga warqabey shirkaasi loona sheegay waxa kasoo baxay.
Waxayna ahaayeen Isimada Shirkaas goobjooga ka ahaa
Garaad Jaamac Garaad Cali
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed
Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil
Garaad Abshir Saalax Maxamed
Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed
Ugaas Faarax Dheere
Boqor Cabdilaahi Axmed Cali.
Garaad Maxamuud Cismaan Mashqarre
Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur
Suldaan Siciid Cismaan Cali

Garaad Saleebaan Buraale Aadan oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Isimaddu ka heshiiyeen khilaaf mudo soo jiitamayey oo arimo siyaasadeed keeneen.
“Shirkaas danaha Dhulbahante uun baa looga hadlayey, waxaa loogu horaysiiyey in Isimadu heshiiyaan Isimadu waa heshiiyeen, qodobka labaad wuxuu ahaa wixii shaqaaqo ah ee dadka dhex yaala sida Dharkayn oo hada aanu joogno iyo Taleex oo la tegi doono la xaliyo”, ayuu yiri Garaad Saleebaan Buraale.
Isimada ayaa u digay Somaliland inay sii joogto deegaanada beesha iyagoo beesha Caalamkana baaq culus u diray.

Garaad Saleebaan Buraale Aadan

About The Author