Sawiro: Wasiirka Haweenka Puntland oo Daah furtay 16ka Maalmood ee Ololaha ka hortaga Tacadiyada Jinsiga

25 Nov 2015 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa maanta daafrutay olalaha 16 maalmood ee ka hortaga tacadiyada ka dhanka ah Jinsiga gaar ahaan dumarka. Olalahaan oo sanad kasta la qabto 25 November ilaa iyo 10 december ayaa xooga lagu saaraa wacyi galinta ku saabsan dhamaynta shaqaaqooyinka jinsiga.

Waxaa munaasabada furitankeeda kasoo qeyb galay wasiirka haweenka Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin, guddiga xuquuqul insaanka barlamaanka Puntland, hay’addaha caalamiga ah, kuwa maxaliga ah iyo ururada bulshada rayidka ee Puntland.

Olalahaan ayaa inta uu socda xooga lagu saaridoonaa xuquuqaha diinta islaamku u ogolaanayso haweenka sida ay sheegtay wasaaraddu, waxaana kulamo lala yeelandoonaa culimada diinta iyo dadka aqoonyahanada si xal muhiim ah loogu dhibaataynta dumarka.

Munaasabada intii ay socotay waxaa qudbadaheeda xooga lagu saaray galmada sharci darrada ama tacadiga kufsiga oo loo aqoonsaday inuu yahay mushkilada ugu weyn ee maanta haysata haweenka, waxaana lasoo jeediyay in la sameeyo sharci rasmi ah oo lagu xakameynayo dadka gala dambiyada caynkaan ah si loo yareeyo dhibaatadiisa.

Shiikh Maxamuud Xaaju Yuusuf oo khubad munaasabada daaf-furka ka jeediyey ka sheegeeyey waxa diintu ay galmoodka sharci darada ah ama tacadiga kufsiga ayaa sheegay in duuntu ay xarintay loogana hortagi karo in diinta lagu dhaqmo.

Wasiirka haweenka Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa sheegtay barnaamijyada ay soo gudbindoonaan inay xooga ku saaridoonaan diinteenu waxa ay ka qabto tacadiga dumarka, iyadoo la balaarindoono fahanka diinta si ay dhalinyaradu ugu waano qaataan inay ka waantoobaan.

Anisa ayaa sheegtay in loo baahan yahay dadka gala dambiyada kufsiga haddii ay ku cadaato in la marsiiyo sharciga diinta islaamka waxay ka qabto, balse aan loo baahnayn in loo fiiriyo xeerarka kale oo aan ciqaab adag dul dhigayn.” Diinta Islaamka ayaa ka weyn xuquuqul Aadanaha ay soo dagsadeen ajaajibta,” ayay tiri wasiirka haweenka Puntland.

“ Hal ku dhiga sanadkaan waxaa weeye sidii badbaado iyo nabad loogu heli lahaa guryaha ay ku nool yihiin haweenka iyo ilmaha yaryar,” ayay tiri Aniso.

Sawirro.

DSC07085 DSC07086 DSC07088 DSC07090 DSC07091 DSC07092 DSC07093 DSC07094 DSC07096 DSC07098 DSC07101 DSC07103 DSC07104 DSC07105 DSC07106 DSC07108 DSC07109 DSC07114 DSC07115 DSC07117 DSC07118 DSC07119 DSC07120 DSC07121 DSC07123 DSC07124 DSC07129 DSC07131 DSC07138 DSC07142 DSC07166 DSC07171 DSC07217 DSC07231 A DSC07240

About The Author