Dhagayso: Cabdi Qaybdiid oo ka hadlay Colaada ka aloosan Gaalkacyo

25 Nov 2015 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee maamulka ay DFS taageerto ee aan waafaqsanayn Dastuurkii ummadda Soomaaliyeed ku heshiisay Cabdi Qaybdiid ayaa ka hadlay Colaada ay isaga iyo saaxiibadii kooxda DAMUL JADIID ay ka hurinayaan Gobolka Mudug ee Puntland iyo  dadka dega Koonfurta Gobolka Mudug iyo Galgaduud.

128a

C/kariim & Cabdiqaybdiid isku mar ayey wada yimaadeen koonfurta Gaalkacyo

Cabdiqaybdiid ayaa ku doodaya wax lagu Qoslo laakiin hadafka uu ka leeayahay uu yahay dagaal iyo Shido abuurid taasoo ah inuu sheegto Degaanada Puntland kuna dooda in isaga laga haysto. Tani waxay la mid tahay wadadii Laamiga ee Puntland dhisaysay oo ku taala dhanka Puntland oo ay Cabdiqaybdiid iyo Saaxibadii DAMUL JADIID ay soo weeraeen kuna waxyeeleeyeen dad aad u badan.

Cabdiqaybdiid, Indho Cadde, Goobaale iyo inta badan Dagaal Oogayaashii Xamar ayaa waxaa lacag iyo Hub fara badan, oo lagu keenay magaca ummaadda Soomaaliyeed, soo siiyey Kooxda ka talisa Villa Somalia ee DAMUL JADIID si ay COLAAD UGA HURIYAAN Gobolka Mudug ee Puntaland.

Dhagayso  Cabdiqaybdiid oo ay waraysatay idaacada Shabeelle


Puntlandes.com

About The Author