Puntland”Waxaa dagaal si toosa ah usoo qaaday maamulka Galmudug & Ciidamadii DFS tababarka uga socday Gobolka Galgaduud”

28 Nov 2015 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa Warmurtiyeed ay ka soo saartay dagaalkii qaraaraa ee maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, iyadoo ku sheegtay inay Puntland soo weerareen Ciidamada DFS iyo Malayshiyada maamulka aan sharcida haysan ee Galmudug.

¨139c

Dawladda Puntland ayaa Warmurtiyeedkeeda kusii sheegtay inay saaka weerarka ugu soo qaadeen DFS iyo Galmudug si ay u carqaladeeyaan safar nabadeed ee uu ku tagi lahaa magaalada Gaalkacyo Raysul wasaaraha DFS Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke.

Dawladda Puntland ayaa ugu dambayn Ummadda Soomaaiyeed, Beesha Caalamka iyo wadamada Deriska  xusuusisay in dawladda Puntland horay marar badan uga digtay in dhismaha maamulka Cadaado uu dib u hurin doono Colaadii Sokeeye iyo Degenaansho la’aantii Soomaaliya sida maanr´taba dhacday.

Dhanka kale Dawladda Puntland ayaa sheegay in dhibaatadii maanta dhacay iyo mida imaan doonta  inay mas’uuliyadeeda leeyihiin DFS iyo maamulka Galmudug.

Akhriso Warmurtiyeedka dawladda Puntland

159c5

About The Author