Yuusuf Garaad oo sida Warbaahinta Puntlandes.com iftiimiyey Qaladka Radio muqdisho ee dagaalka Galkacyo

29 Nov 2015 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa Qoraal ka Qortay sida uu Radio Muqdisho dhanac ugula saftay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee u dhexeeyey maamulka Gamudug oo garab ka helaya Ciidamada DFS iyo Ciidamada Puntland.

Website-ka Radio Muqdisho ayaa lagu aflagaadeeyey Raysul Wasaaraha DFS iyo Dawladda Puntland, halkan ka akhriso.

Waxaa xusid mudan inay wax ka bedeleen Qoraalkaas oo ay saxeen qaladaadkii waawaynaa ee ku jiray Qoraalkooda kadib markii ay Warbaahinta Puntlandes banaanka keentay inay dhan la safan yihiin si indho la’aan ah.

 

Yuusuf Garaad oo ah Suxufi ruug cadaa ah ayaa insa sida Warbaahinta Puntlandes waxa uu iftiimiyey Qaladka Radio muqdisho ee dagaalka Galkacyo.

Hoos ka Akhri Qoraalka Yuusuf Garaad

159d9

Tifatirka Wararka Gaalkacyood

1598

Warbaahinta Qaranka – Radio Muqdisho, SNTV iyo Barta Internetka intaba waxaan mar kasta uga fadhinnaa in ay soo gudbiyaan warar na khuseeya, sugan, dheellitiran oo aan xag jirin.

Wararkaas xilliga loogu baahi badan yahay waa marka ay ku saabsan yihiin colaad.

Puntland iyo GalMudug wey u siman yihiin warbaaahinta Qaranka, iyaduna waa in taa xaqiijisaa.

Qiil ma ahan in labada dhinac midkood la heli kari waayay ama uu aqbali diiday in uu warramo. Warbaahinta Qaranka waxaa la gudboon in ay ogaato mowqifka dhinaca maqan soona bandhigto ama ay ku matasho su’aalaha ay weydiineyso dhinaca hadal oggol.

Haddii haba yaraatee la aqoon waayo mowqifka dhinaca maqan, isagana la waayo iyada oo dhab loo raadiyay ama uu diido ugu yaraan waa in sidaa la sheegaa.

Tifatirka

Tifatirka wararka noocaan ahi wuxuu u baahan yahay hufnaan, maskax furan, feejignaan, xog ogaalnimo, dhexdhexaadnimo, go’aan qaadasho iyo ku dhicid.

War kasta oo qof mas’uul ahi sii daayo ma ahan in sidiisa loo qaato. Waa in Tafitiruhu uu go’aan ka qaato warka uu mas’uulku dow u leeyahay in loo sii daayo iyo midka kale.

Tusaale ahaan, Madaxweynaha GalMudug ayuu Radio Muqdisho ka soo xigtay in uu ka warramay mowqifka GalMudug iyo weliba eedeyn uu u jeediyay Puntland. Wax ku jaban ma jiraan in intaas la sheego oo isaga laga soo xigto. Wuxuu warkaasi xalaal ahaanayaa haddii isla markaas ama saacadaha daba jooga Puntland la siiyo fursad taas u dhiganta.

Warbixin dheer oo Barta Internetka Radio Muqdisho uu ka qoray hadal uu jeediyay Madaxweynaha GalMudug oo aan u arkay warbixin aan qoraalkeeda farsamo ahaan si wanaagsan loo dhuujin ayaa waxaa ka mid ahaa erayada aan halkan hoose sidoodii ugu soo min guuriyay.

“Madaxweynaha [GalMudug] ayaa wax lalayaabo ku tilmaamay sida xushmo darrada ah ee Puntiland ay ula dhaqantay R/wasaare Cumar C/rashiid.”

Siddeed iyo tobankaa eray waxay igu dhaliyeen su’aalo dhowr ah oo aan is leeyahay haddii Radio Muqdisho uu is weydiin lahaa nooma soo bandhigeen erayadaas.

Madaxweynaha GalMudug sow labada dhinac oo is haya midkood ma aha? Maxaa kallifay in isaga laga soo xigto war ku saabsan wadahadal dhex maray dhinaca ay isaga is hayaan oo ah Puntland iyo Ra’iisal Wasaaraha Federaalka?

Miyaan Ra’iisal Wasaaraha iyo xubnaha Wafdigiisa ka maqalnay in Puntland ay si xushmad darro ah ula dhaqantay? Xataa haddii ay dhacday in Puntland ay si xushmad darro ah ula dhaqantay wafdiga Ra’iisal Wasaaraha, yeey tahay in aan ka maqalno ama ay soo weriyaan?

Miyaan wafdiga la weydiin karin? Miyaan weriyayaasha goobjoogga ah la weydiin karin?

Miyaa Puntland wax laga weydiiyay sida ay u dheceen wadahadalladii Cadaado? Miyaa la weydiiyay in Ra’iisal Wasaaraha lagu xushmad darreeyay Cadaado iyo in kale?

Difaaca Radio Muqdisho

Dadka qaar waxay ku doodi karaan hadalka uu mas’uul kastaa sii daayo oo dhan ha la soo gudbiyo si aan u akhrinno mowqifka mas’uulka, aragtidiisa, mas’uuliyaddiisa iyo qofka uu yahay.

Taas waa marka ocd ama muuqaal laga duubay shir saxaafadeed ama khudbad la sii deynayo sidaasna loogu sheego dhegeystayaasha.

Laakiin marka ay idaacaddu war qoreyso wey ka duwan tahay. Tifatir ayaa noqonaya lama huraan.

Mas’uuliyad iyo aqoon waa in ay kaashadaan warbaahinta Qaranka iyo Warbaahin kasta, siiba xilliga colaadaha.

F. G. Wararka Radio Muqdisho si guud umaan qiimeyn. Waxa keliya oo aan ka faallooday hal war oo iga soo hor baxay.

Xigasho:http://yusuf-garaad.blogspot.se/2015/11/tifatirka-wararka-gaalkacyood.html

About The Author