DEG DEG: Warbaahinta Puntandes.com oo heshay Xog ku saabsan Cabdi Qaybdiid

2 Dec 2015 (Puntlandes) Warbaahinta Puntandes ayaa waxay heshay Xog ku saabsan xaalada dhabta ah ee Cabdi Qaybdiid iyo halka uu ku sugan yahay iminka. Waxaa laga shakisanaa maalmihii u dambeeyey waxa uu Cabdi Qaybdiid uga muuqan waayey Colaada Gaalkacyo iyadoo aan muuqaalkiis iyo hadalkiis aan midna la hayn.

161a2

Warbaahinta Puntandes ayaa baaritaan dheer oo ay samaysay waxay ku ogaatay inuusan Cabdi Qaybdiid Hogaaminayn dhanka Malayshiyada Baraxleey dagaalkii 28kii Niv 2015 ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxay kalooo Warbaahinta Puntandes ogaatay inuu Cabdi Qaybdiid xaafada Baraxleey ka tagay ka hor dagaalkaas uuna aaday magaalada Muqdisho.

Warbaahinta Puntandes ayaa Xog ay ka heshay Villa Somalia waxay sheegaysaa in Raysul wasaare Sharmarke uu ka codsaday Cabdi Qaybdiid inuu u raaco Gaalkacyo si uu uga qayb qaato nabad kusoo dabaalida Colaada ka oogan magaaladaas uuna ku gacansayray Cabdi Qaybdiid dalabka ka yimid RW Sharmarke, isagoo ku yiri “anigu C/kariim, Xasan Sheekh iyo kooxdooda DAMUL JADIID waxba ku darsan maayo..”

Warbaahinta Puntandes ayaa ogaatay inuu Cabdi Qaybdiid aad uga Caraysan yahay balan ay uga baxeen Xasan Sheekh iyo C/kariim kaasoo ahaa in lacag fara badan ay siiyaan iyo inay Jago sare u magacaabaan taasoo ay kula heshiiyeen markii ay samaysanayeen maamulka Cadaado.

 

 

About The Author