Dhagayso: Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka hadley dagaalka Gaalkacyo ka socda

3 Dec 2015 (Puntlandes) Wasiirka Warfaafinta dawlada Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo Saxaafadda kula hadley magaalada Gaalkacyo, iyadoo uu magaalada qaybo ka mid ah uu ka socdo dagaal aad u xooggan.

Soocade

 

Wasiir Soocadde ayaa sheegay in ay subaxnimaddii saakey u tageen Garoonaka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo sidii ciidanka loo kal qaadi lahaa, iyada oo la fulinaayo heshiiskii shalay, saraakiishii oo dhan ayaa meesha tegey markii la damcay in la dhaqaaqo waxaa dhacdey nasiib darro in Xaafadda Baraxleey noqotey bahal ceeriin madaayo oo ay dagaal qaawan nagu soo qaadeen ayuu yiri Wasiirku.

161b7

Wasiirka oo marka uu shirka jaraa’id qabanayey taagnaa mid ka mid ah guryaha shacabka oo uu ku dhacay Madfac ayaa yiri waad aragtaan waxa gadaasheyda ka muuqda, waa hubka culus ee goobta waxaasna maaha wax aan u dul qaadan doono.

Dhagayso Soocadde


Puntlandes.com

About The Author