BREAKING NEWS: Ciidamada Puntland oo inta badan la wareegay Xaafada Baraxley

3 Dec 2015 (Puntlandes) Wararka u dambeeyey ee Dagaalkii kululaa ee ka socday magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in lagu kala adkaaday, kadib markii ay Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland ay gudaha u galeen Xaafadda Baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.

159d

War sugan oo ay Warbaahinta Puntlandes ka heshay goob jooge ku sugan aaga dagaalka ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland oo shacabka ka badbaadinaya Madaafiicda ay isticmaalayeen Malayshiyada Baraxley ay la wareegeen inta badan ee Xaafadda Baraxleey, iyagoo wada hawgal ay kusoo afjarayaan dhibaatada ay Malayshiyada Baraxleey ku haysay shacabka Gaalkacyo.

Wararka Gaalkacyo kala soco Warbaahinta Puntlandes

About The Author