Dhagayso: Dood ku saabsan Dagaalkii Gaalkacyo ee Puntland & Galmudug, wax ka ogow waxay doonayaan

5 Dec 2015 (Puntlandes) Dood uu Radio Daljir u qabtay Nabadoon Cabdicsiis Xaarin oo kasoo jeeda Puntland iyo Suldaan Cabdinaasir jaamac Seed oo kasoo jeeda Galmudug.

3a

Suldaan Jaamac Seed ayaa sheegay in uu dagaalkii Gaalkacyo salka ku hayo Galmudug oo doonaysa inay Canshuurta reer Puntland qaataan. Waxyaalaha uu Suldaanku ku doodayo waxaa ka mida Abdulahi Yusuf Airport oo uu leeyahay waa wax la wada leeyahay.

Abdulahi Yusuf Airport Puntland ka hor ma ahayn Garoon Diyaarada shacabku isticmaali jireen ee wuxuu ahaa Garoon Ciidan, wax dhisme ahna ma lahayn, Puntland ayaa Dhistay oo hawl gelisay una ogolaatay in dhamaan ummadda soomaaliyeed ay Isticmaalaan, waxaana la wada lahaanayaa Garoonka Gaalkacyo marka Hargaysa Berbera, Muqdisho, Kismaanyo, Baydhabo..

Suldaanka ayaa waxa kale oo uu ku doodayaa inay Guryaha iyo Xeryaha Ciidanka ee Gaalkacyo ee dhanka Puntland in la qaybsado CAJIIB!!!

Dhagayso Dooda

http://www.puntlandobserver.com/dood-culus-puntland-iyo-galmudug-dagaalkii-gaalkacyo/

About The Author