”CAGTII JOOGSANWEYDAA – MARBAY CEEB LAKULANTAAYE” Doraad Xamar, Shalayna Jubada hoose, Maantana Mudug

6 Dec 2015 (Puntlandes) Markaan dhegeystey dood Radio Daljir ku dhexmartay nin isin ah iyo odey dhaqameed, waxaa ii cadaatay inaan weli la garwaaqsan lagana waantoobin halaagii Soomaalidu is baday horaantii 1990, Halkan ka dhafgayso Doodaas

170c1

Qaran dhan ayaa maalin qura basbeelay. Boqolaal kun oo Soomaali ah oo ehel iyo xigto wadaag ah oo weliba birmageydo u badan ayaa ku naf waayey sidii rasaas loogu asqaysiinayey. Boqolaal kun oo kalana waa la qaxiyey ayagoo ku rafaadsan daafaha aduunka, qaarkoosna weli ku dhimanayo saxaraha iyo badaha.

Markii rejiimkii xukunka hayey meesha ka baxay, waxaa xigey dagaalkii sokeeye ee saddex biloodlaha loo yaqaan ee Xamar , kaasoo si gaar ah loogu ugaarsanayey Aqoonyahanka iyo Saraakiisha.

Ogoowey dagaalkaas waxaa lagu xalaalaystay Xamar nuskiis, halkaas oo weli si xaaraana loogu haysto guryihii umadii la laayey ama la barakiciyey, agoontiina weli daba ooyeyso.

Kolkii horboodayaashii Soomaalidu gabeen caqli iyo cilmi ay isku afgartaan, waxay dowladaha derisku iyo bulshada caalamku u dhoodhobeen dowlado ku sheeg ku meelgaar ah, kuwaasoo lagu bedeley dowlad taagdaran, Xamarna ciidamada AMISON magan ugu ah, aduunkase laga aqoonsaday.

Rajadii iyo baahidii inbadan looqabey dowladnimo ma rumoobin, waxayna ragaastay markii la arkay ciidamo beeleed ku lebisan astaantii mileteriga qaranka oo xasuuqaya shacbigii Jubada hoose ee taariikhda dheer ku lahaa la dagaalanka isticmaarka. DULMI JECELAA!!!!

Dhul balaarsigii Xamar iyo Shebeelada hoose kuma ekaane, waxaa xigey Xeraale iyo Shiilaabo.

170c2

Maantana waxaa la weeraray GALKACYO iyadoo sabab la`aan hoobiyeyaal iyo madaafiic lagu garaacayo maxaas aan waxba galabsan.

Waa layaabe SOMALIA ma hal jufo bay degi la´dahay, mase laga yaabaa in reerku mar uunaaya miyisado? AAMIIN, umase eka”

Waxaad maqleyseen riyo malmeedkii ”BURTINLAA XUDUUD NOO AH”. Taasna waxaa ka dambeeyey dhalanteedka ah ”GALDOGOB iyo JIRIIBAN  BAAN WAX KULEEYAHAY”

Markaad soo abaarsatid meshaan muslinimo kuugu soo dhoweeyey miyaad milkigaaga moodey? XAARAAN U DHEGO NUGULAA!!!

MA DARDAARANKII OOD BAA LAGU RIIXAA, BAA HOOBIYE IYO MADFAC ISU BEDELEY? WAR HALA MIYIRSADO, CAQLIGANA HALA KAASHADO.

Waa hubaal in hantidii Qaranka (Dekedo, Ayrobooro, Iskuulo, Xafiisyo, Isbitaato, beero, jidad iyo w.l.m.) meelo badan lagukala haysto, waxaase haboon in xaliskeeda lala sugo markii dib u heshiin dhab ah iyo dowlad caadila la helo.

Waxaa taa ka horeeya in ”AGOONTA WAALINKOOD LA LAAYEY GURHOODA LOOGA BAXO”

Wabilahi Tawfiiq

Puntlandes.com

 

About The Author