XOG: Maxaa kaaga baxay Go’aan ka gaaridii habka Doorashada 2016ka?

8 Dec 2015 (Puntlandes) Waxaa maanta ka dhacay Magaalada Xamar Shirkii HLPF ee NEW DEAL ka kaasoo 6 dii biloodba mar la qabto, waxaana ka soo qayb galay Madaxda DFS iyo kuwa maamul goboleedyada.

173d4

Habka Doorashada 2016ka!

Waxaa lagu wadaa 14-15 dec 2015 inuu Xamar ka dhaco Shir lagu soo bandhigi doono wax loogu yeeray Xog laga soo uruuriyey Ummadda Soomaaliyeed , iyadoo loo soo kala taageeray sidatan:

  • Puntland: Deegaan
  • Jubaland: Deegaam
  • Cadaado: 4,5
  • Xamar: 4,5
  • KGS: 4,5

Waxaa Qorshuhu yahay in wax la isku raacay oo Habka ay Doorashadu ku dhacayso ah inay kasoo baxaan Shirka la filayo inuu Qabsoomo 14-15 Dec 2015. waxaa taas ku xiga oo haddii ay Soomaalidu isku raacdo Habkaas lagu Sharciyeynayaa Shir ka dhici doona magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga 23-24 feb 2016ka. Shirkaas oo la mida kii London, Kobenhegan iyo Bryssel oo kale ayna kasoo qayb geli doonaan madaxweynayaal. Raysul Wasaarayaan wadamada Daneeya Soomaalya ka socda.

Waxaa kaloo Qorshuhu yahay in haddii ay Soomaalidu ay Miiska la imaan waydo waxay isku raacsan yihiin inay Beesha Caalamku Jeebka kala soo bixi doonto Plan B, kaasoo aan la saadaalin karin.

Kooxda DAMUL JADIID ee iminka ka talisa Villa Somalia waxaa u qorshaysan inay iyadu keensato habkii dib loogu soo dooran lahaa ama in loogu daro 2 ilaa 3 sano marka waqtigoodu dhamaado.

Saansaanta Muuqataa waa ku daris

Haddi aynu eegno waqtiga haray oo aad u yar iyo iyadoo si ogaansho ah oo Qorshaysan loo Qo’aamiyey in Qo’aan laga gaarayo 23-24 ha feb 2016 habka ay Doorashada la filayo inay dhacdo Agoosto 2016ka u dhacayso waxaa kuu soo baxaysa in Saansaanta Muuqataa ay tahay Kooxda DAMUL JADIID oo waqtiga loo kordhinayo.

Wax shaqo ah oo hadda socotaa ma jirto ilaa feb 2016 wax soconayaa ma jirto oo imisa waqti ah ayaa ka haray? tii Sheekh Shariif iyo Gaas ay madaxda ka ahaayeen ee Kumeel gaarka looga baxayey waxaa shaqada Road Map-ka la bilaabay nov 2011 iyadoo uu waqtigu ciriiri ku ahaa shaqo xoog lehna ay socotay.

Isku soo wad duuboo waxay u badan tahay in BOOR la isku qarinayo oo Kooxda DAMUL JADIID  waqtiga loo kordhin doono.

Puntlandes.com

 

 

About The Author