Gaas oo Xeebta Liido ku damaashaadaya

9 Dec 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo shaqada ay shacabka reer Puntland u igmadeen ay tahay ka shaqaynta iyo ilaalinta DANAHA Puntland, taadsoo uu dayacay ayaa iminka waxa uu jaanis u helay inuu ku Tamashleeyo Xeebta LIIDO ama guud ahaan magaalada Xamar ee xarunta Gobolka Banaadir.

174a

Gaas ayaa Xamar gaaray 7dii bishan isagoo sida warar lagu kalsson yahay ay u sheegeen Warbaahinta Puntlandes ku sugnaan doona Xamar ilaa iyo Todobaadka soo socda. Gaas ayaa waxa uu u yimid Xamar sida uu baahiyey Xafiiskiisu inuu shir shalay dhacay uga qayb galo Xamar, laakiin warar lagu Kalsoon yahay ayaa sheegaya inuu Gaas ku sugnan doono Xamar ilaa iyo Shirka wadatashiga oo ka dhacaya Xamar 14-15ka bishan oo ku beegan Isniinta iyo talaadada Todobaadka soo socda.

Gaas oo Xamar si aad ah u jecel ayaa wuxuu u helay joogideeda marmarsiinyo ah Shirbaan ku sugayaa.

Dhanka kale waxaa Xusid mudan in shacab badan oo Gaalkacyo ka BARAKACAY ay ku sugan yihiin nolol xumo, waxaana taas kasii dheer isagoon xataa Booqan Dhaawicii ku dhaawacmay Dgaaladii Gaalkacyo!!

Guud ahaan Shacabka reer Puntland gaas ahaan kan Gobolka Mudug ayaa waxay la yaaban yihiin Gaas iyo hab dhaqankiisa, isagoona qaadanayn wax talo ah doortayna inay la shaqeeyaan kuwa “GUULWADOOW GAAS” u qaado oo aan waxba kusoo kordhinayn!!. Gaas ayaa cida kaliya oo uu talada ka qaataa ay tahay kooxda ka talisa Villa Somalia ee DAMUL JADIID.

Puntlandes.com

About The Author