Dhagayso: Xasan Sheekh oo ka cabanaya in Beesha Caalamku ku aamini wayday Deeqaha ay bixiyaan!!

9 Dec 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha DFS  Xasan Sheekh ayaa maanta ka cawday in Beesha Caalamku ku aamini wayday Deegda ay Soomaaliya ugu Deeqaan, iyagoo aan  dhaqaale siinin dawladdiisa.

169

Xasan Sheekh oo ka hadlayay munaasabad loogu magaic daray “Xoojinta hay’adaha dowladda DFS  iyo sare u qaadidda sumcadda dhaqaale ee Soomalaiya” ayaa sheegay in aan caalamka dhaqaale siin Soomaaliya isagoo ula jeeda dawladdiisa.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in xitaa askariga ka tirsan ciidamada DFS aan mushaarka loogu dhiibin dowladdiisa, oo ay hay’adaha shisheeye ayaga siiyaan.  Xasan Sheekh ayaa is waydiiyey sida uu Askari ugu noqon karo dawladdiisa ruux mushaar ka qaata cid kale!!!

Dhagayso Warbixin ay VOA ka diyaarisay


Puntlandes.com

About The Author