Faallo: Raqda Muqdisho u taal beesha caalamka iyo sida laynoo hafray!

IMG_6067Waxaa maalintii shalay magaalada Muqdisho lagu soo afmeeray shir socdey muddo laba maalmood ah, kaas oo halku dhigiisu ahaa DEJINTA HALBEEGA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA, shirka waxaa ka soo qaybgalay, maamulada dalka ka jira, waxaa ku wheliyey ergooyin ka socdey caalamka sida:

Maraykanka, Jarmalka, Midowga Boqortooyada,(UK) Denmarki, Holland, Iswiden, Turkiga, Jaban, Shiinaha, Midowga Imaaraadka Carabta (UAE), Masar, Kiinya, Itoobiya, Jabuuti.

Dhanka ururada iyo hay’adaha waaeyn waxaa ka soo qaybgalay: Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD iyo qaar kale.

Haddaba marka laga yimaado iyada oo aan natiijo wanaagsan oo wax ku ool ah aysan ka soo bixin ayaa waxaa jira waxyaabo badan oo la is weydiinayo waxa ka qaldan shirka, qaban qaabadiisa, dhaqaalaha ku baxaya iyo maamulkiisaba.

Halka shirka lagu qabanayo waa Soomaaliya, weliba waa caasimadiisi, waxaana la dhihi karaa shirku ma ahayn mid Soomaaliyeed weliba waxaa calaamad su’aal saaran tahay in looga hadlaayey dano Soomaaliyeed!.

fooddDhamaan cuntada loogu tala galay martidii ka qayb-gashey shirka waxaa laga keenay dalka Kiinya (Kenya) caasimadiisa Nayroobi iyada oo kulul ayaana diyaarad la soo saarey, cabitaanka biyaha ee la cabayo waxay ahaayeen kuwo dibadda laga keenay, ka soo tag taa dhamaan ubaxyada caaga ah ee lagu qurxiyey goobta waxay ka yimaadeen dalka Kiinya, Shaqaalaha qaabislan dhanka cunada waa kuwo laga keenay dalka aan dersika nahay ee Kiinya. Goobta shirku ka dhacayo ama martidu degan tahay waa teendhooyin aad u quruxsan markii shirku dhamaadona waa la fur-furaa waxaana dib loogu celiyaa dalka Kiinya, shaqaalaha dhamaantood waa dad ajnabi ah.

Ugu danbeyntiina shirka waxaa looga hadlaayey luuqadda Ingriiska, waxaa la is weydiinayaa maamulada dalka ka jira malaha luuqada kulmisa ayaa ah Ingriiska.

shirka3Marka la eego waxyaabaha kore oo dhamaantood wax jira ah shirkii u danbeeyeyna ka dhacay, isla markaana waxa laga hadlaayo yahay mustaqbalkii Soomaaliya, halka looga hadlaayana lagu sheegay in ay tahay caasimadii dalka maxay tahay natiijada ka soo bixi karta?, dhaqaalaha shirkaas ku baxay waa ka badan yahay Malaayiin Dollar, wax dalka ka soo galayana ma jiraan, xitaa qoriga istakiin ah ama biyo caagad ku jira ha ahaadeene oo Kiinya ayaa laga keensadey!!.

Dowladda Federaalka waxaa la gudboon in shirarka caynkan ah oo kale ay go’aamiso in lagu qabto meel aan Muqdisho ahayn, maadaama Muqdisho ay noqotey caasimad, magaalo laga dhex samaystey, tusaale ahaan haddii dhaqaalaha shirku aanu galayn caasimadda, waxaa habbon in loo wareejiyo magaalo kale oo dalka ah sida Garoowe, Kismaayo, Baydhabo ama meel kale. Waana masuuliyad darro dusha ka saaran Dowladda Federaalka ah haddii ay wax ka bedeli weydo shirarka malaaiyiinta dolllar lagu burburiyo, dalkana aan wax soo gelin natiijaduna ay tahay mid lagu naaxinayo shirkado dalal shisheeye leeyihiin.


Xigasho: Horseed Media

About The Author