Daawo Video-Sawiro: Jaliyada Reer Puntland ee UK oo Dhigay Xaflad Lagu Taagerayo Gudoomiyaha G. Mudug Xassan Maxamed khaliif

19 Jan 2016 (Puntlandes) Waxaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay hoolka shirarka Hotelka Savana ee Magaalada London ee dalka UK Munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo Lagu Taageerayay Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Mudug Xassan Maxamed Khaliif (Abgaalow).

Munaasabadaan ayaa waxaa qabtay Jaaliyada Puntland ee Dalka ingiriiska, iyadoo ahayd mid kasoo qayb galkeedu uu aad u sareeyay ayaa looga gol lahaa taageerada iyo Bogaadinta hawlaha baaxada weyn leh ee Gudoomiyaha gobalka Mudug Xassan Maxamed khaliif ka bilaabay Gobalka Mudug, waxaa sidoo kale Madasha ka marnayn u mahadcelinta Dawlada dhexe ee Puntland ee ku aadan Waxqabadkii balaarnaa ee ay Gobbalka Mudug ka qabatay dawladu uu madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Munaasabada ayaa waxaa Daadihinayey oo si heer sare ah u xiriirinayey Sahal, dhanka Odoyaashana waxaam waxaa ka mida kasoo qayb galayaasha Munaasibada Farah Fuqyare, Adan shire chieve caqil Gureeye, Cornel Sicid Binoow, Suldan Juujuule, Mahad Dhoore iyo Gabdho iyo Rag badan oo aanan soo koobi karin.

Dhanka Suugaanta ayaa waxaa kaga qayb qaatay oo gabayo suugaan kala duwan Munaasabada kasoo jeediyey Abwaanad Muna Axmed Cabdala (Diyaana) iyo Mahad Axmed Dhoore.

Intii xafladu socotay ayaa waxa hadalo aad u qiimo badnaa ka jeediyay Madaxda Jaaliyada reer Puntland ee Dalka UK iyo Dadweynihii kasoo qayb galay kuwaas oo ku dheeraaday ka sheekaynta taariikh nololeedka Guddomiyaha Gobalka Mudug, waxayna sidoo kale xuseen in ay Gudoomiyaha la garabtaagan yihiin taageero joogto ah uuna isaguna xilkiisa uguto sida Dasduurka Puntland Qabo.

Gudoomiyaha Gobalaka Mudug Xassan Maxamed Kahaliif oo khadka Taleefonka uga qayb galay Munaasabadii ballaarnayd ee xalay loogu dhigay dalka UK ayaa ugu horayn Jaaliyada reer  Puntland uga mahadceliyay taageeradooda, wuxuuna sidoo kale goobta kusoo bandhigay waxqabad kusalaysan 10 qodob oo ku qotoma baahiyaha haatan ka taagan gobbalka Mudug oo ay ugu horayso Amaanka iyo xasiloonida Gobalka Mudug iyo Isku xirka Dawlada dhexe iyo maamulka Gobbalka Mudug.

Dhamaan ka soo qayb galayaashii xaflada ayaa siweyn ula dhacay Khudbadii uu soo jeediyey iyo Waxaqabadka uu balan qaaday Gudoomiyaha Gobbalka Mudug, ayagoo xusay in Magaacibada Xassan Maxamed ay timid xilligii loo baahnaa.

.
Munaasabadii xalay ayaa kusoo dhamaatay jawi dagan iyo niyad wanaag, iyadoo ay Munaasabadahaan isdaba jooga ah ee loo qabanayo Guddoomiyaha Gobalka Mudug ay kusoo aadmayso xilli Gudoomiyuhu  ka bilaabay Gobalka shaqo Culus Mudadii koobnayd ee uu joogay xafiiska.

Ugu danbayn waxaa soo xiray Munaasabada Kusimaha wakiilka Dowlada Puntland  ee UK  Abdi Ahmed Caabi, isagoo u mahadnaqay dadkii kasoo shaqeeyey Munaasabadan iyo kasoo qayb galayaashaba.

 

191-6

191-5

IMG-20160119-WA0067

????????????????????????????????????

hasssssan

3

7

2

10

4

9

14

12

17

16

15

13

11

8

6

5

1

Puntlandes.com

About The Author