Akhriso: Abwaan Mahad Axamed Dhoore oo Gabay Aad uqiimo Badan Kula Dardaarmay Gudoomiyaha Gobalka Mudug Xassan Abgaalow

????????????????????????????????????

19 Jan 2016 (Puntlandes) Xalay ayaa Jaaliyada Puntland ee UK waxay magaalada London ee dalka UK ku qabteen Munaasabad ballaaran oo lagu taageerayey Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow) oo uu 23 bishii ina dhaaftay ee desember 2015 u magacaabay Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdi wali Maxamaed Cali Gaas.

hasssssan

Munaasabadaas ayaa waxaa Gabay Aad iyo aad u qiimo Badan Kula Dardaarmay Gudoomiyaha Gobalka Mudug Xassan Abgaaloow Abwaan Mahad Axamed Dhoore.

Akhriso Gabaygii Abwaan Mahad Axamed Dhoore uu u tiriyey Gudoomiye Xasan Abgaaloow

191-6

 

Maahmaahda gabaygiyo murtida, marinta suugaanta

Mawluhu nin uu siiyayoo maahiraan ahaye

Mar walbana ma tiriyee dantaan kaga muraadaaye

Midda aan ka leeyaaan hadaan mihindisaaye

Mar I siiya dhagahooy waxbay muhatay laabtiiye

Maalmo badan hashii soo qadee oonku madax qaado

Waxay maanka galisaa mar uun inuu u hooraayo

Oo markii mahiigaan da’ay murugta xoortaa

Marwo ugub hadday laba mataan meel ku wada qaado

Mug culays leh waxay soo martoo daal ka mudataaba

Markay dihato bay hooyadaas murugta xoortaa

Gèed muuq lahaan jiray hadduu roobku dhinac meero

Hadduu milayga jiilaal qabtoo muxubo uu waayo

Maliil culus inuu noqonayaan muran ka taagnayne

Balse waxuu miraha saaraa markuu roobku maaruqo

Haday xaajo muruq gaarto oo maanku nabar yeesho

Oo colaad lawada maamiya la isku midig qaado

Muusanaw haddii beelo nagi lagula meeraysto

Masuul garad leh goortuu danshay mahadi gaartaaye

Halka aan murtida uga socdiyo Miida aan tago

Mudug maanta halkuu taaganyahay Waa marxalad culuse

Waxse looga maarmaan arkoo muuqda oo jira

Xasan Maxamed goortaan arkaan meershay xumihiiye

Waa nin maamul garanahaya iyo mihindiskii guude

Waa nin magaca Soomaaliyeed uu u yahay meel e

Waa nin maxasta dhawriyo dhamaan maatadoo idile

Mijin iyo marduuf waa nin aan mihindiskood hayne

Waxba yaanan miinleedya Gabay meelo badan gayne

Midigtuba haddaan bidixdu jirin miiq ma galiseena

Taageero mudug buu rabaa maamulkaan yimide

Marti galiya Xasan Maxamed waad mahadin doontaane.

Puntlandes.com

About The Author