Sawiro: Degmada Bandar Bayla oo yeelatay Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen cusub

11 Feb 2016 (Puntlandes) Golaha Deegaanka ee Degmada Bandar Bayle ee Gobolka Karkaar ayaa waxay Doorteen Gudoomiye iyagoo dib xilka gudoomiyaha ugu doortay gudoomiyihii hore ee degmada.

Munaasabadda doorashada waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin uu kamid ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ee dowladda Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero.

Munaasabadda doorashada oo ay kusugnaayeen mas’uuliyiin Puntland katirsan ayaa waxaa gudoomiyaha dib loogu doortay Siciid Aadan Cali (Siciid Anteeno), oo horay u ahaa gudoomiyaha degmada halka gudoomiye ku-xigeena loo doortay Bile Nuur Faarax.

 

12662504_1683481911906886_5880979938760582414_n 12705596_1683481908573553_6078722745005967551_n12718286_1683481915240219_2214578390033164875_n

Puntlandes.com

About The Author