Gaalkacyo: Maraykanka oo warsaxaafadeed kasoo saaray Weerarkii duleedka Gaalkacyo.

War saxaafadeed ay soosaartay Dowladda Maraykanka, ayaa waxaa looga war bixiyey weerarkii Duleedka Magaaladda Gaalkacyo ay ka fuliyeen Diyaaradaha Maraykanka, iyo ciidamo sigaar ah u tababaran.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in howlgalkaan ay si wadajir ah u fuliyeen, Ciidamada Gaarka ah ee Soomaaliya iyo diyaaradaha Maraykanka oo iskaashanaya.
War saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Intii lagu guda jiray hawlgal ay hogaaminayso Dowladda Soomaaliya, si loo bur buriyo koox Al-shabaab ka tirsan oo ah Dalad samaysa Qaraxyada (Explosive Device (IED), kuwaas oo weeraray halisna galiyey Ciidamada Soomaaliya iyo lataliyaaysha Amrikaanka ah, waxaa ay ciidamada iyo Maraykankuba sameeyeen Isdifaacid, ay ku bur buriyeen kuna dileen 9kamid Ciidamada Cadawga (Al-shabaab).

Waxaa kale oo war bixinta looga hadlay, sheegashada Dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug ay sheegeen in halkaas lagu laayey ciidamo Soomaali ah, waxaana warsaxaafadeedka lagu yiri.

“Waxaan aragnay warbixino sheegaya in ay jiraan, khasaare aan hubaysnayn taas oo cadaymeheeda iyo dabaglkeeda aan kusoo ogaanay in ay yihiin warar aan sax ahayn”

War bixintaan ayaa waxaa ay meesha ka saaraysaa, sheegashadii Galmudug ay sheeganaysay, in ay jiraan warar been abuur ah oo ay faafisay Puntland, kuwaas oo ay Maraykanka ugu sheegeen in Ciidanka Galmudug yahay kuwo la shaqeeya Al-shabaab.

waxaa kale oo arinkaan uu shaki galinayaa iska war haynta, xiriirka Ciidamada uu maraykanku horkaco ee fuliya howlgallada gaarka ah, iyo dowladda Federaalkaa, waxaana ay kusoo aadaysaa xili ay Dowladda Federaalkaa soo saartay Warmurtiyeen Ee daynaya Puntland, sidoo kalana Markanka ka dalbanaya Faah faahinno dheeraad ah.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa uu sidoo kale kusoo aadayaa, iyada oo ay maalinkii shalay kulmeen Madaxweynaha Galmudug iyo Diblumaasi ka socday Dowladda Maraykanka, kuwaas oo wixii ay ka wada hadleen aan saxaafadda Loo shaacin, hase yeeshee lagu soo waramayo in Wadahadalkaas, C/kariin lagu Qanciyey in hawlgalkaasi uu sax ahaa, lagu guulaystay Ujeedkiisii, uuna salka ku hayey ugaarsiga Al-Shabaab.

 

About The Author