Musharax Farmaajo oo sheegay in Xasan Sh Ku Fashilmay fulinta balanqaadkiisii.

Jan 02 2017 (Puntlandes)-Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir jaraa’id oo uu Muqdisho ku qabtay maanta ku sheegay in uu aad u saluugsanyahay hab dhaqanka madaxda dalka isaga oo ku eedeeyay in ay ku fashilmeen in ay kasoo dhalaalaan ballamihii ay qaadeen iyo dhaartii ay mareen oo ay ugu horreysay in dalka la gaarsiiyo doorasho xor ah oo xalaal ah. Eedeymahan ayaa kusoo aaday bilowga sanadka cusub ee 2017 oo aysan wali jirin jadwal cad oo qeexaya xilliga doorashada madaxweynaha la qabanayo.

“Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday wuxuu 4 sano kahor ballan qaaday inuu dalka gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah. Nasiib darro doorashadaasi ma dhicin, waxaana la sheegay in mid dadban la qabanayo sanadkii dhamaaday ee 2016. Taas lafteedu waxay noqotay mid lagu fashilmay oo ilaa 5 jeer ayaa doorashada dib loo dhigay. Runtii taas masuuliyaddeeda hoggaanka sare ayaa qadayo sababtoo ah ayaga ayaa ballanta galay oo ay ahayd in ay fuliyaan. “

Mudane Farmaajo ayaa bogaadiyay barlamaanka cusub oo bilaabay kulamadiisii caadiga ahaa  si ay u dardargeliyaan hawlaha doorashada iyo ka doodista ajandayaasha horyaalla. Waxa uu ku amaanay xubnaha Barlamaanka cusub tallaabadii ay shalay ku diideen miisaaniyad 3da bilood ahayd oo la horkeenay.

“Waxaan u hambalyeynayaa Barlamaanka cusub oo shalay yeeshay kalfadhigii ugu horreeyay. Kulankii koowaad ee ay yeesheen waxa uu ahaa mid ka turjumayo in ay yihiin xildhibaanno ilaalinaya danta dalka iyo dadka. Iyada oo aan miisaaniyaddii hore la iskala xisaabtamin in mid kale la keeno ma aha wax la sugayay. Waxay ahayd in isla xisaabtan laga galo mushaaraadkii shaqaalaha iyo ciidanka oo aan 8 bilood waxba la siinin. Runtii taasi waxay muujineysaa in ay xildhibaannadu doonayaan isbadal oo aan sidii afartii sano hawsha lagu soo waday inaan lagu sii socon karin.”

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ku amaanay barlamaanka cusub tallaabadii ay ku laaleen guddiyadii doorashooyinka dadban oo qeyb weyn ka ahaa dibu dhaca doorashooyinka  iyo wax isdaba marin badan oo lagu sameeyay hannaanka doorashooyinka ee dalka.

“Waxaan kale oo ugu hambalyeynayaa in ay laaleen guddiyadii doorashooyinka dadban maamulayay waayo xildhibaannada Soomaaliyeed ayaa ku filan in ay si hufan u qabtaan doorashada Madaxweynaha. Waxaan aaminsanahay in ay yihiin kuwii isbadal muuqda dalka u horseedi lahaa.”

Mar ay saxaafaddu waydiisay waxa uu kaga duwanyahay musharrixiinta kale ee xilkan ku tartamaya ayaa waxa uu yiri “Waxaan uga duwanahay waa inaan doonaayo inaan isku xiro shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda. Shacabka markii ay dowladdu ka jeesato iyagana way ka jeesanayaan. Aniga waxaan horseedayaa inaan shacabka usoo celiyo dowladnimadooda oo ay ku yeeshaan talooyin, lagana jawaabo dareenkooda. Markaas ayay ka qeyb qaadan karaan sugidda amniga iyo bixinta canshuuraha si adeegyo loogu qabto.”

Mar la waydiiyay inuusam xiriir wanaagsan la lahayn beesha Caalamka, talada dalkana ay ka go’do dalal shisheeye ah ayuu ku jawaabay “Dalkan waxaa iska leh dadka Soomaaliyeed, masuuliyaddiisana waxaa qaadaya dadka la doorto, xildhibaannada wax dooranayana waxay matalaan shacabka. Beesha caalamku waxay kaliya ee ay dooneyso waa in ay Soomaali dhisato dowlad nadiif ah oo aan musuqmaasuq ku shaqeynin. Caalamku waxay rabaan shacab iyo dowlad aan lagu kala dhex jirin. Sababta naloogu dhexjiro waxa ay tahay inuusan jirin xiriir adag oo dowladda iyo shacabka ka dhaxeeya. Haddii la I doortana waxaa la igu yaqaanaa inaan ahay masuul dhisi kara dowlad si dhab ah u matasha shacabka.”

Mudane Farmaajo ayaa farta ku fiiqay sida loogu baahanyahay in la adkeeyo ammaanka xubnaha barlamaanka oo dowladda waqtigeedu dhamaaday aysan xilka weyn iska saarin afartii sano ee lasoo dhaafay. “Afartii sano ee lasoo dhaafay waxaa si xaqdarro ah loo dilay 19  xildhibaan. Waxaan aaminsanahay in la dayacay xildhibinnadaas oo haddii ay dowladdu siin lahayd amni ku filan in aysan dhacdeen.”

Ugu dambeyntii Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed sanadka cusub isaga oo u rajeeyay in sanadkan 2017 uu noqdo sanad oo ay dadka Soomaaliyeed ku noolaadaan nabad iyo barwaaqo.

About The Author