Sawirro:- Jariiban”Ciidanka Bada Puntland Oo Gar Gaar Raashin Iyo Biyo AH Ka Qaybinaya

Unugto kamida ciidanka bada ee dowlada Puntland ayaa waxaa ay degmada jariiban iyo miyigeeda ka qaybinayaan gar gaar biyo dhaamin iyo raashin qaybin ah waxaana ay booyado biyaa u qaybiyeen dadka reer guuraaga ah iyo kuwa magaalada soo galay.

Ciidamada ayaa waxaa ay dadka reer guuraaga sidoo  kale siinayaan qaar kamida cunooyinka nafaqooyinka soo celiya xili nafaqadaro ay soo wajahday reer guuraga waxaana ay biyaha iyo raashinka ugu gaynayaan deegaanada iyo dhulka miyigaa.

Mahan gaar gaar kii ugu horeeyay ee ciidamada bada dowlada Puntland ay gaarsiyaan dadka jariiban waxaa sidoo kale dhawaan ciidamadu degmada gaarsiiyeen dawooyin loogu tala galay isbitaalka guud ee degmada jariiban oo xiligaa bilaa dawo ahaa.

Hoos ka daawo Sawirrada 

16194914_1627147070635565_4202254085876116865_n 16265534_1627147037302235_8859795660076429469_n 16387221_1627147007302238_5782314241353715400_n 16387359_1627147080635564_2183959736947400609_n

About The Author