Dhagayso:-Madaxweynaha Dowlada Puntland Oo Kulamo La Qaadanaya Reer Guuraaga Soo Hayaamay

Madaxweynaha dowlada Puntland C/wali maxamed Cali ayaa waxaa uu kulamo la qaaanayaa dadka kusoo hayaamay dhulka bariga Puntland oo madaxweynuhu marayo waxaana uu ogaanayaa baahiyaha ay hada qabaan dadkaan madama dhul fog kasoo hayaameen.

Madaxweyne Gaas oo hadlay ayaa waxaa uu sheegey in Puntland waxay awooday ay usoo qaaday oo baad iyo biyo ahaa loona qaybinayo dadkaan dadkii wax gaari waayaana ay dowlad dib ugu laabanayso wixii loo awoodana loo keeni doono.

Madaxweynaha oo baahiyaha biyaha ka hadlayay ayaa sheegey inay dowlada dadaal xoogan galisay dhankaas dalkana hada laga qaybinayo afar kun oo booyadood lana qodayo ceelal biyoodyo dadku ay biyo ka helaan ayna taas ku howlan yihiin.

Hoos ka dhagayso

About The Author