Dhagayso:-Madaxweyne Xigeenka Dowlada Puntland Oo Kahadlay Dadkii Tuulada Karin Lagu Gowracay iyo Xaalka Doorashada Soomaaliya

Madaxweyne xigeenka dowlada Puntland Eng C/xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar ayaa waxaa uu ka hadlay saddex qof oo kooxaha nabadiidka ah ay ku gowraceen tuulada karin ayaa uu sheegey in dowlada Puntland ay mar waliba diyaar u tahay diifaaca dalkeda iyo dadkeeda.

Madaxweyne xigeenka ayaa sheegey in dowlada Puntland halka ay ka gaartay ladagaalanka iyo sifaynta kooxaha nabadiidkaa ee dhawaan qandala laga saaray ay tahay mid dunidu ogtahay mar waliba ay sidaas oo kale ay dowlada Puntland u cirib tireyso kooxahaan nabadiidkaa.

“Mar waliba tuugu jeebkaaguu wax ka xadaa laakin nin kusoo talagalay inuu dilo qof muslima oo aan waxba udhimin dilaya ma waayo suu ku dilo mana jiro habac dhanka amaanka ah dowladuna sidi qorshaheedu dowladnimo iyo ciidan nimo way baajisaa falal badan wana qab qabataa kooxahan ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne xigeenka dowlada Puntland C/xakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar.

Dhicana kale madaxweyne xigeenka Dowlada Puntland oo ka hadlayay doorashada soomaaliya faragalinta ay ku hayaan dalalka dariska ayaa uu sheegey in hadii dowlada Soomaaliya iska saadho ninka gabre la dhaho taas macnaheedu maaha in itoobiya laga saaray dalka .

Hoos ka dhagayaso

About The Author