Faah Faahin:-Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Ah Oo Kadhay Iska Hor imaad Xalay Boosaaso ka dhacay

Ciidanka difaaca dowlada Puntland ee kusugan kaan taroolka koonfureed ee magaalada boosaaso ayaa waxaa xalay weerar kusoo qaaday xalay koox malayshiyo hubaysan oo ilaa hada haybtooda aan la shaacin waxana jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay rasaastii lays waydaarsaday.

ilaa hada waxaa la hubaa dhimashada labo ruux iyo dhaawaca tiro kale waxaana jira in kooxdii weerarka soo qaaday ay baxsadeen lama shacin cida ay yihiin dadkaan wax yeeladu soo gaadhay hase ahaatee kooxihii weerarka soo qaaday ayaa baxsaday.

Weerarkaan ayaa waxaa uu kusoo aadamayaa xili kooxaha nabadidkaa ay waayahan dhaq dhaqaaqyo ay ku dhibaataynayaan dadka shacabkaa ay ka wadaan dhulka bariga fog waxaana xusid mudan in qaar kamida dad ay dhawaan gaari kala dageen ay qaar kamida gowraceen.

Ciidanka difaaca dowlada Puntland ayaa waxaa ay mar waliba u heelan yihiin sidii ay kooxaha nabadiidka ah usoo afjari lahaayeen xili dhawaan ciidanku ay malayshiyaadkaas nabadiidka ee daacish ay jab xoogan ku gaarsiiyeen howlgalkii danab labo ee ay ka sifeeyeen degmada qandala ee gobolka bari.

Puntlandes.com

About The Author