Madaxweyne Farmaajo oo furaya Kalfadhiga maanta 1aad ee golaha shacabka & Ra’iisul wasaarahana horgeynayo Baarlamaanka

1 marso 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta waxa uu furayaa Kalfadhiga 1aad ee Golaha Shacabka, iyadoo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha magacaaban Mudane Xasan Cali Kheyre uu hor geyn doona Baarlamaanka, si ay u siiyaan codka kalsoonida ah.

234-1c8

Sida uu qabo dastuurka marka Madaxweynaha uu soo magacaabo Ra’iisul wasaaraha ay sharci tahay in uu horgeeyo Baarlamaanka, si codka kalsoonida loo siiyo, waxaana Madaxweynuhu uu ka codsan doonaa Baarlamanaka inay codka kalsoonida siiyaan, si Ra’iisul wasaaraha uu u guto waajibaadka loo idmaday ee ah dhismaha Xukuumad.

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu kulamo la yeelanaya qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka, isagoo ka dalbanayay inay siiyaan codka kalsoonida ah.

Ra’iisul Wasaaraha mgacaabay ayaa marka ay codka kalsoonida ah siiyaan baarlamaanka waxa uu soo dhisayaa Xukuumad cusub, isagoo maalmaha soo socda horgeeyn doono Baarlamaanka qorshahiisa Xukuumadda.

27kii December 2016 ayey soo bilowdeen howlaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya xiligaasi oo wadajir loo dhaariyey Xildhibaannada labada aqal balse furitaanka rasmiga ah Kalfhiga 1aad ee Golaha Shacabka ayaa noqonaya maalinta arbacada ee soo socota ee 01-March-2017 waxaana si rasmi ah u furi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo.

Puntlandes.com

About The Author