BAAQ KU SOCDA SHACABKA & SIYAASIYIINTA PUNTLAND “AARANJAANOOW FARIISTA MARKAAD DALKA XUKUNTEEN…”

Asalaamao Caleykumo waraxmatulaahi wabarakaatu.

Waxaan idinku salaamayaa salaanta islaamka 114 Quranka cadadiisa. Dhanbaalkeyga wuxuu ku socdaah reer puntland dal iyo dibadba.

87

Baaqeygaan wuxuu ku socdaa Shacab, Siyaasiyiinta iyo Dawladda Puntland.

Ayagoo aan kala maqneyn Heer Madaxweyne iyo ku Xigeenkiisa,Golaha sharci dejinta, Golaha wasirada iyo Shacab weynaha puntland dal iyo dibadba.

Dhanbaalkeyga waa mid waano ah oo aan la hadlayo Shacabka reer Puntland meelkastoo ay dunida ka joogaan,sida wax loo bur buriyo way sahlantahay laakiin sida wax loo dhisan waa adagtahay.

Puntland waxaa la dhisay 1998 waxaana soo maray madax kala duwan oo ilaa iyo mantay soo gaarsiiyey heaearaka ay joogto.

Madaxweynihii ugu Horeeyey waxaa uu ahaa Abdulahi yusuf(AUN) waa tii mucaarad lagu noqday, waa tii Bosaaso laga soo saaray,waa tii Garowe laysugu yimid, waa tii shirka la galay, waa tii  Cali Khalif Galayr uu lacagta keeney isagoo uu soo dirsaday Abdi Qaasin Salaad Booy, markaa ka dib waxaa uu soo aaday Gaalkacyo,waa tii uu Dib ugu laabtay Garowe ka dibna uu u Gudbay magaalada Bosaaso.

Ujeeda uu daqaalka u galay Abdulahi yusuf waxay aheen in aysan Puntland bur burin.

Waxaa isweydiin leh in maantay oo ay jirsatay Puntland 19sano ka dib in la saadaaliyo Puntland waa bur buri haddii ay sidaan ku socoto, nimanka dhahaya taas oo meel walba la taagan oo ay badankoodu u badan yihiin dowladaan tii ka horeysay ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole.

234-2a1

Waxaa isweydiin mudan dowladaan uu hogaaminayo madaxwene Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas tii ka horeysay ee uu hogaaminayey Cabdiraxmaan Faroole yaa daba tagnaa ????

Sababta aad u daba taagantihiin oo aad ku haysaan dowladaan waa bur buri haddii ay sidaan ku socoto oo uu ka hadlayey Wasiirkii maaliyada ee Dowladii Faroole (Faarax Shire) oo uu shirka jaraaid qabtay, halkan ka akhriso ama ka Daawo/dhagayso shirkii Jaa’id. Sow kama wanaagsaneen i uu Faarax Shire si Asluub leh inuu usoo gudbiyo dhaliilada ay dowlada maxadxweyne Gaas uu hogaaminayo ay leedahay, siiyana talo iyo tusaalaba inta uu meel soo fariisto oo uu dacaayado dadka iyo dalkaba kala geeynaya uu meel la fariisto waa laga fiican yahay.

Madaxweynii hore ee Puntland Mr Faroole wuxuu ku yimid doorasho waxaan looga qaaday doorasho kale oo uu Gaas ku Guleystay.

124f

Faroolow in magaalada Mogdisho ilaa iyo Garowe aad dacaayd la fariisato oo ragaagii kula shaqayn jiray ay dibada isa soo dhigeen oo uu ka mid yahay Faarax Shir e(wasirkaagii Maaliyada) sow lama oron karo waa isla ogtihiin arintaas iyo waxyaabahaan Puntland ka socda oo dhan.

Waxaa is weydiin mudan Cabdiraxmaan Faroolow ma Gaas baad ka sheeganeysaa Garowe ileen anagu waxaan u haysanaa in ay Garowe tahay magaalo madaxdii Puntland, oo dadkoo dhan u dhaxeyso qof gooniya iyo Qabiil sheegan karana uusan jirin ileen waa  wada leenahay.

Faarax Shire waxaan ku weydiinayaa mudo 5 sano ayaa ahayd Wasiirka Maaliyadda Puntland maxaad qabatay ??

Maantey adigaa banaanka isa soo dhigay ? Laamiga dheer wali ma ka dagatay oo Baargaal ma tagtay adiga iyo dowladaadii, Isku-shuban ilaa iyo Caluula ma tagteen ? ilaa iyo Qandala ma tagteen ? Xaafuun ma tagteen ?? Ceelal Biyood ma ka soo qodeen? wadooyin ma ka soo sameyseen Faarax Shirow?

Jawaabtu waa maya.. wax hadal oo idiin furan ma jiraan. Gaas lugtiisa ayuu ku tagay Deegaanadaas oo dhan iyo kuwo kale oo badan, Ceelal Biyood iyo Wadooyina waa kasoo sameeyey.

Maalintii ugu horeysay ee uu Gaas Buuraha fuulaye 8 nin baa ku dhimatay oo Ciidamada Puntland ahaa. Shacabkii maqaalooyinkaas degenaa waxay yiraahdeen maantay ayaan ogaanay in Puntland maamul ka jiro.

234-1e3

Xukuumadii uu madaxweynaha ka ahaa Faroole wali ma tagteen Garacad ?? MAYA

234-1a5

Hadaba waxaan rabaa in aan kuu sheego wax qabadka Gaas aad adinku arki weydeen.

1-Maalintii la doortay wuxuu Safar ku kala bixiyay dhulka fog oo Baargaal ugu shisheyso marqaati baad ka aheeydeen.inta uu meel maamul ka sameeye waan wada ogsoonahay.

Adinkuna waad ogtihiin in maamulo badan uu dhisay Gaas.

Su,aasha la isweydiinayo baa waxay tahay waxa uu qabtay Gaas maxaa qariyay oo aad u qiran weydeen ilaan xaqiirka ma fiicana.??

2-Waad ogeydeen in Puntland abaaro iyo dulaan qaawan lagu soo qaadey,mahad Allah bay u sugnaatay in Ciidankeenu uu jilbaha u dhigay cadawga meel kasta kaga yimid Puntland. Puntland ay Gurmadkii abaaraha ay ku jirto oo wali socdaan oo uu Gaas bixiyay amarka Gurmadka dowlad iyo shacab aan kala harin.

3-Meelihii ay dadku ku soo hayaameen oo abaarta iyo biyo la,aanta ahayd buu taagnaa Gaas ma wax la qarin karaa??

4-Maalintii Gaas la doortay Ciidamada Puntland hal Gaadiid ma laheen. Maantayna waad aragteen inta Baabuur yaacaya,waad aragteen magaalad Eyl in laga dhisayo taliska Ciidama ugu wey Puntland.

Waxay Soomaalidu ku mahmaahdaa hadal yar iyo howl tiro badan.

Madaxweyn Gaas howshaadu wali waa hayaan,faanoole faro kama qodna ,meesha dhaliishu ka jirto dib ugu laabo.

Puntland waxay leedaha Isimo,boqoro.wax garad iyo odayaal muhiim ah iyo dhalin yaro iyo hooyooyin ee ogaada.Mucaardkoow .

AARANJAANOW waad ceeboowdeen fariista, markaad wadanka heysateen cid idin daba taagneey ma jirin ee shacabka ka fariista haddii Puntland wax soo gaaran waxaa masuliyadeeda leh Faroole..

 

Wabilaahi toowfiiq

Faadumo janno.

Daabacaadii Puntlandes.com

 

About The Author