Wasiirka Arrimaha Dibadda oo si lama filaan looga reebay safarkii Madaxweynaha ee Doxa

13 May 2018 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo ka mid ahaa wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee Doxa u ambabaxay ayaa laga reebay safarka Madaxweynaha, xilli uu garoonka diyaaradaha ku diyaar ku ahaa.
 21b5
Sababta loo reebay ayaa lagu sheegay in Agaasimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin uu horay usii kaxayaytay shalay gelinkii dambe Wasiirka Qorsheynta Qaranka Jamaal Maxamed Xasan oo aan wafdiga ka mid aheyn wafdiga madaxweynaha ee u safrayey magaalada Doxa.
 
Agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yaasiin iyo La Taliyaha Madaxweynaha Balal Cusmaan ayaa Nairobi kasii kaxaystay Wasiir Jamaal.
 
Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa muddooyinkan dambe dadaal ugu jiray sidii loo wanaajin lahaa xiriirka mugdiga ah ee soo kala dhex galay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka, taasoo dhalisay inuu cadaawad kala kulmo Fahad Yaasiin oo aan doonayn arintaas.
 
Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa muddooyinkan dambe la sheegayay inuu ka ashtakoonayay in shaqadii Wasaaraddiisa uu la wareegay Wasiirka Qorsheynta oo dhowr shir uu ka qeyb galay, hab maamuus ahaana uu lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Hab maamuus ahaan Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa sida caadada ah Safarada rasmiga Madaxweynaha uu ku tago dalalka dibadda ku wehliya ama uga sii hormara Madaxweynaha dalka uu u booqanayo si uu ugu sii gogol xaaro.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya  Axmed Ciise Cawad  ayaa waxa uu kasoo jeedaa Dawlad Goboleedka Puntland, waana taas mida yuu Fahad Yaasiin ku colaadinayo maadaama ay Puntland dhaliishay in illa Somalia ay xumayso xiriirka Imaaraadka ay Soomaaliya la lahayd.
Puntlandes.com

About The Author