DFS oo xaqiijisay in la xaday oo la musuqmaasuqay Saadkii iyo Raashinkii ciidamada DANAB ee Maraykanku taageero

25 Apr 2024 (Puntlandes.com) Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la xaday oo la musuqmaasuqay Saadkii iyo Raashinkii ciidamada sida gaarka u tababaran ee DANAB, kaas oo ay bixisay dawladda Mareykanka, waxayna dawladdu sheegaysaa in ay baaris sameysay oo saraakiil la xiray.

Dawladda Mareykanka ayaa joojisay Raashinii iyo Saadkii ay siin jirtay DANAB, kadib markay cadaatay in dib Suuqyada looga iibiyey, sidaas oo kale Shidaalka Ciidanak DANAB ayaa baaris lagu sameeyey oo aysan wali soo bixin natiijada, hayeeshee isna cabsi ka jirtaa in Maraykanku joojiyo.

Imaaraatka ayaa horey u joojiyey taageerada dhaqaale ee ay siinayeen ciidamada DFS, sabab la xariirta musuqmaasuq baahsan oo jira, saraakiishii loo diray sixida ayaana lagu dilay Muqdisho.

Sida raashinka loo iibiyey iyo shaqsiyaadka Iibsaday waxaa ka dhexmuuqda saaxiibada iyo qoyska Madaxweynaha oo Qandaraasda Saad-siinta iyo Raashinka ciidanka si musuqmaasuq ah loo siiyey.

About The Author