Sawiro: Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Nugaal oo xilka maanta la wareegay

Garowe (Pes) Waxaa maanta xilka la wareegay gudoomiyaha cusub ee Gobalka Nugaal Cabdilaahi Ciise Aw-axmed , xaflad xilwareejin ah ayaa waxaa lagu qabtay hoolka gobalka.

10

Waxaa kasoo qayb galay wasiiro, xildhibaano, Waxgarad, Aqoon yahan, iyo haween, inta ay munaasibadan xil wareejinta ahi socotay waxaa laga sheekeeyay mudadii sanadka ahady ee Gudoomiyihii hore waxqabadka uu muujiyay iyo mamulka cusub waxa laga filayo.

Ku simaha gudoomiyihii hore ee Gobalka Nugaal ahna ku xigeenkiisa koowaad ayaa si toos ah xilka ugu wareejiyay Gudoomiyaha cusub, waxa kale uu sheegay inay si wanaagsan ula shaqayn doonaan maadama uu waqtigii Cadde Muuse xilkan uu soo qabtay.

Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Nugaal Cabdilaahi Ciise oo hadal kooban soo jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka uu maanta la wareegay, waxa kale uu sheegay Axmed inay ka go’an tahay sidii loosii horumarin lahaa Gobalka isla markasna loosii xoojin amniga iyo isku xirka degmooyinka Gobalka Nugaal.

Wasiirka Amniga iyo wasiirka waxbarashada ayaa u hambalyeeyay Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Nugaal waxayna sheegeen inay si dhow ula shaqayn doonaa.

Sidoo kale munaasibadda waxaa ka hadlay qaar ka mid ah waxgaradka Gobalka Nugaal waxayna balan qaadeen inay mamulkan la shaqayn doonaan ayna muhiim tahay in la iska kaashado horumarka Gobalka Nugaal.

Madaxwayne Gaas ayaa maalmo ka hor xilka gudoomiyaha ka qaaday Gudoomiyihii hore Cabdiqani Xaashi Cali oo dalka safar uga maqan, wuxuna booskiisa ku badalay Cabdilaahi Ciise Axmed oo intii u dhaxaysay 2004 iyo 2007 xilkan soo hayay.

15 14 13 12 11 10 9 8 7 6 5 4 3 2 1

 

Puntlandes.com

About The Author