Daawo sawiro: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo maanta kulan la qaatay Ganacsato Shiines

Garowe (Pes) Wasiirka Wasaarada Maaliyadda Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa maanta xarunta Wasaarada Maaliyada ku soo dhaweeyay wafdi Shiines ah oo maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa Puntland iyagoo u kuurgalayay xaalada ganacsi ee Puntland iyo siday u kala socdaan.

Maalgashadayaal ayaa waxay xog badan oo dhanka sharuucda maamulka maaliyada ka heleen madaxda wasradaasi, iyagoona sheegay inay ku faraxsan yihiin siday madaxda Puntland ugu soo dhaweeyeen Puntland.

Shirkan markuu soo dhamaaday waxaa saxaafada la hadlay Shire Xaaji Faarax, wuxuna sheegay wafdigan inay gacmo furan kusoo dhaweeyeen intii ay ku sugnaayeen Puntland ay xarumo kala duwan iyo magaalooyin booqdeen.

Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali (Gaas) ayaa horay u sheegay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo maalgashi iyo ganacsi muuqda ka samaynaya Puntland.

IMG_4751

 IMG_4687

IMG_4690

IMG_4691

IMG_4693

IMG_4695

IMG_4696

IMG_4697

IMG_4699

IMG_4700

IMG_4705

IMG_4750

IMG_4751

IMG_4757

IMG_4758

IMG_4759Puntlandes.com

 

About The Author