War Deg Deg ah: Gudoomiyiihii xaafada Garsoor ee magaalada gaakacyo oo caawa la dilay

Allaha u naxariistee waxaa caawa dablay hubaysan oo afka soo duubtay ay dil ugu geysteen magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug gudoomiyihii xaafada Garsoor maxamuud diiriye oo ku magac dheeraa Bidaar.

Dilkan ayaa wuxuu ka dhacay goob aan aad uga fogeyn xaafada uu daganaa gudoomiyuhu oo ku taal isla xaafada garsoor gaar ahaan agagaarka masjidul Mubaarak, kooxaha dilka gaystay ayaan la garanayn haybtooda madaama uu afku  duubnaa.

inaa lililaahi wa inaa ilayhi raajicuun, bahda warbaahinta madaxa banaan ee puntlandes waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan eheladii, qaraabadii, ummada soomaaliyeed iyo gaar ahaan reer puntland geerida naxdinta leh ee ku timid gudoomiyihii xaafada garsoor ee magaalada galkacyo marxuum maxamuud diiriye bidaar waxayna illahay uga baryayaan in uu janadii fardowso ahayd ka waraabsho

xafiika waraka punlandes.com ee Galkacyo

 

About The Author