Xog: Duqa degmada Gaalkacyo oo qarka u saaran in uu iscasilo

Duqa degmada Gaalkacyo c/casiis jaamac guuleed (nugaal) ayaa qarka u saaran in uu iska casilo xilka gudoomiyaha degmada galkacyo kadib markii khilaaf aad u xoogani soo kala dhexgalay gudoomiye Nugaal iyo kooxda uu hogaamiyo Mr Gaadayare(boqorka mudug) ee afduubka ku haysata gobalka mudug tan iyo markii dhidibada loo taagay dawlada Puntland.

khilaafka aya wuxu salka ku haya kadib markii gudoomiye ku xigeenka degmada Galkacyo Yacquub Mohamed Abdalla uu mushaarooyin ka jaray koox odayaal ah oo uu Mr Gaadayare uga qoray mushaarooyin degmada, walow xiliga mushaarooyinka laga jaray kooxda Gaadayare uusan Degmada joogin Gudoomiye Nugaal oo uu Safar khaas ah ugu maqnaa wadanka Sweden oo uu mudooyinkii ugu danbeeyay ku noolan jiray.

Kadib markii uu Gudoomiyuhu ku soo laabtay degmada ayaa mr Gaadayare su’aalo ka waydiiyay sababata keentay in xilligan laga jaro kooxdiisa lacagta dadka reer Gaalkacyoodka ahi uyaqanaan Fadlanta ama laaluushka, Gudoomiye nugaal ayaa u sheegay Mr gaadaaye in Dadkani aysan wax shaqo ah qaban sidaas darteedna aysan u qalmin qaadashada mushaarooyin, wuxuuna intaas ku daray in ay jirto dhaqaale dari soo food saartay Degmada.

Mr Gaadayare(boqorka mudug) ayaa ugu danbayn markii u dhuuxay hadal gudoomiye Nugaal wuxuu hoosta ka xariiqay in uu xilka ka qaado gudoomiyaha, kooxda gaadayare oo shir qaadatay ayaa hoosta ka xiiqday saddexdan qodob in xilka looga qaado gudoomiyaha degmada.

1-in cadaadis lagu saaro gudoomiye nugaal in uu is casilo

2- hadii taasi shaqayn weydo in mooshin laga keeno ayadoo la adeeg sanayo gollaha deegaanka

3- hadii labada qodab ee hore shaqayn waayan in loo adeegsado madaxweyne Dr Gaas oo uu kala diro gollaha deegaanka soona magacaabo Duq degmada oo ka tirsan kooxda mr Gaadayare

Ugu danbayn waxa aad u macquul ah in qorshaha Mr gaadayare guulaysto sida caadada ahayd maxa yeelay horay ayuu ugu guulaystay in uu xilka gudoomiyaha degmada ka cayrsho labadii duq degmo ee abid ugu waxqabadka badnaa Degmada Gaalkacyo oo kala ahaa ex-gudomiye maxamud cabdirahman(cawke) iyo cabdirahman maxamuud xaaji xasan.

xafiiska wararka puntlandes ee Gaalkacyo

 

 

About The Author