Dawlada Maraykanka oo duqayn ku dishay madaxii sirdoonka Alshabaab

Dawlada Maraykanka ayaa duqayn ay ka geeysatay gayiga Somaliya gaar ahaan goabalka Baay degmada Diinsoor galabnimadii sabtidii la soo dhaafay in ay ku dileen madixii sirdoonka ee kooxda Alshabaab oo lagu magacaabi jiray Yusuf Deeq.

afhayeen uhadlay wasaarada difaaca Maraykanka ee looyaqaan Pentangonka ayaa sheegay in ay duqayn dhanka cirka ah ku dileen sarkaal sare oo katirsan kooxda shabaab gaar ahaan madaxii sirdoonka waa sida uu sheegaye.

sargaalkan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri ” waxaan duqayn dhanka cirka ah ku dilnay sarkaal sare oo Alshabaab ah oo lagu magacaabo Yusuf deeq wuxuna kooxda u qaabilsana arrimaha sirdoonka, waxan wadnaa baaritaano hadii dhacdadani run noqoto waxay jabweyn ku tahay kooxda oo haray duqaymahan oo kale ugu weyday saraakiil sar sare”.

Hadalka ka soo yeeray dawlada Maraykanka aya ku soo beegmaya xilli ay dabayaqadii December ay duqayn dhanka cirka ah dawlada Maraykanku ku dileen Amiirkii guud ee kooxda Alshabaab Abu zubayr, waxan sidoo kale wali kahadlin sheegashadaas Maraykan kooxda Alshabaab.

xafiiska wararka puntlandes ee Nairobi- Kenya

About The Author