Daawo Video-sawiro: Madaxwayne Gaas oo u dhoofay magalada Muqdisho

WARBIXIN+SAWIRRO : Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4-2-2015 si rasmi ah ugu ambabaxay magaalada Muqdisho.

Wasiiro iyo Saraakil katirsan madaxtooyada dawladda Puntland ayaa madaxweynaha ku wehliya safarka uu maanta ku aaday magaalada Muqdiso, waxaana uu sheegay madaxweynuhu in halkaasi uu kaga qeyb galayo shirar muhim ah oo looga hadlayo mustaqbalka Soomaaliya.

‘’ Waxaan muqdisho uga qeyb galayaa wada hadal looga xaajoonayo geedi socodka nabada soomaaliya oo ay ka maarmi waa ay noqotay in wixii ra’yigayaga iyo taladayada ah aan ku biirino si ay soomaaliya horay ugu sii socoto ‘’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweyne Gaas ayaa sidookale tilmaamay in dawladda Puntland mar walba ay diyaar u tahay in soomaaliya ay hesho dawladnimo taam ah si looga baxo dhibaatooyinkii ragaadiyey umadda soomaaliyeed.

Daawo Videoga

Sawiro

IMG_2980 IMG_2981 IMG_2982 IMG_2988 IMG_2997 IMG_2999 IMG_3001 IMG_3002 IMG_3003 IMG_3004 IMG_3005 IMG_3006 IMG_3007 IMG_3008 IMG_3009 IMG_3010 IMG_3011 IMG_3012 IMG_3013 IMG_3014 IMG_3015 IMG_3016 IMG_3017 IMG_3018 IMG_3019 IMG_3020 IMG_3025 IMG_3026 IMG_3027 IMG_3028 IMG_3041

 

Puntlandes.com

About The Author