Sir culus: Maxay tahay ujeedada safarka madaxweyne Dr gaas ee Muqdisho

Madaxweynaha dowlada Puntland Dr c/wali mohamed Ali Gaas ayaa saacadaha soo socda ee maanta oo Arbaco ah u ambabaxaya magaalada Muqdisho, isagoo ka helay casumaad madaxweynaha dawlada federalka ah ee somaliya xasan shiikh maxamuud.

warar horu dhac ah oo ku saabsan safarka madaxweynaha ayaa sheegaya in uu halkaasi uga qeyb gali doono kulan weyn oo ay soo qaban qaabisay beesha caalamka iyo haayadaha daneeya arrimaha somaliya oo looga hadlayo hiigsiga 2016ka, sidoo kale waxa wararku intaas ku darayaan in uu madaxweyne Gaas iyo xasan sheekh kawada hadli doonaan khilaafka hada taagan ee dawlada puntland iyo soomaliya oo ay ugu horeyso arimaha shidaal qodista oo ay Dawlada faderaalku dhawaan joojisay iyo deeqaha besha caalamka ay Somaliya ka hesho.

Madaxweyne gaas oo aad u jecel Magaalada Muqdisho kuna taama xili kasta in uu madaxweyne ka noqdo ayaa lagu wadaa in uu halkaasi gaaro galinka danbe ee maanta, madaxweyne Dr Gaas ayaa aad ugu dadaalaya urruursiga lacago fara badan si uu doorashada 2016ka uga qeybgalo xili dhaqaalihii puntland uu hoos u dhacay oo xataa aan shaqaalihii dawladu sideed bilood wax mushaar ah aysan qaadan shacabka iyo waxqabadna warkiisaba daa.

Shacabweynaha ree puntland ayaa aad ula yaaban kana walaacsan calmashada Dr gaas calmaday magaalada Muqdisho isagoo ilaa intuu xilka hayay oo ku jaan go’an mudo sannad ah uu tagay tiro laba jeer ah, xilligii hore ee puntland ay ahayd puntland madaxda dawlada federaalka ah ayaa ku soo kala tartami jiray tagitaanka  puntland si ay kalsooni u helaan.

isku soo wadaduuboo la arki doone wuxu madaxweyne Dr Gaas Muqdisho ka keeno.

xafiiska wararka puntlandes.com ee Galkacyo

 

 

About The Author