Amb Kay oo ka digay dhibaatada ka dhalan karta xiritaanka xisaabaadka Xawaaladaha Soomaalida ee Marayakanka

Wakiilka gaarka  ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa ka digay dhibaatada ka dhalan karta Bangiga ku yaalla dalka Maraykanka, ee Merchants Bank of California, oo xiray xisaabaadka Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida, oo bangigaa sii marin jiray lacagaha loo dirayo gudaha Soomaaliya.

Amb. Kay, waxa uu sharxay in lacagaha ay dadka qurbojoogta ah ee Soomaalidu ay dadkooda uga soo diraan ay tahay isha kaliya ee dhaqaale ee ay ku tiirsan tahay nolosha malaayiinta Soomaalida  nool gudaha Soomaaliya, isaga oo ku sifeeyay hadii la joojiyo lacagaha Shirkadaha Xawaaladaha Soomalida, in ay noqonayso nasiib darro baaxad wayn oo la soo derista nolosha dadka Soomaalida.

Puntlandes.com

About The Author