Daawo Video: Dr Gaas isagoo Puntland ka hadlaya 9 feb 2013 ”waa arin ISKA CIYAALSUUQNIMO AH”

Daqiiqada 14 ayey ka bilaabanaysaa Dr Gaas oo Puntland iyo Hogaankii xukumayey ee Dr Faroole ka hadlaya waqtigu waa 9 feb 2013. Dr Gaas ayaa ka hadlaya maamulxumo, safarkiisii Puntland ee dabayaaqadii 2012 kii iyo warbixintii uu ka soo saaray, Khaatumo iyo Puntland oo dadkii dhistay kala irdhoobeen ayna u baahan yihiin in ay isugu yimaadaan wax uu ugu yeeray ”shirkii 1998 lagu dhisay Puntland oo kale” isagoon wax sharaxaad ah ka bixin.

1320

Daqiiqada 17:30 ayaa wariyuhu wuxuu wax ka  waydiinayaa Dr Gaas warsaxaafadeedkii uu soo saaray Wasiirka wasaarada warfaafinta Puntland ee lagu tilmaamay socdaalkii Dr Gaas ee Puntland mid Khal-khal lagu gelinayo Puntland, wuxuu sidoo kale wariyihu wax ka waydiinayaa Dr Gaas eedeeytii uu wasiirku ku eedeeyey Dr Gaas in uu ka hor istaagay Puntland dhaqaalihii uu Caalamku ugu deeqay Puntland?  Dr Gaas ayaa ku jawaabay in ay ”Puntland sadbursi heshay” isagoo ku faanaya in uu isagu keenay Mashaariicda lagu dhisayo airportiyada waxaana hadalkiisa ka mid ahaa ”ma dowlada Puntland ayaa Beeshaa caalamka la hadli kartay anaa la hadlay oo keenay” isagoo sii wata ayuu yiri ”waa arin ISKA CIYAALSUUQNIMO AH” Waxaa xusid mudan in la iswaydiiyo madaxweyne Gaas iminka ma isagaa Beesha caalamka iyo waliba Maalgashitýaal caalamiya la shira oo heshiisyo la saxiixda mise DFS ayaa u soo saxiixda? Mudadii uu xukunka hayey wuxuu Dr Gaas heshiisyo aan waxba laga ogayn la galay wadamada Jabuuti, Yemen, Itoobiya iyo kuwo kale oo badan. Waxaa intaas sii dheer shirkado farabadan oo uu heshiisyo aan waxba laga ogayn uu Dr Gaas la saxiixday?

Adigu akhriste maxaad ku cabiri lahayd waxa uu madaxweyne Gaas ku soo saa’idiyey Puntland mudadii ahayd 1 sano iyo bisha ahayd oo uu ka talinayey Puntland? Muxuu ka qabtay dhibaatooyinka uu ka sheegayey Puntland? Aaway Puntlandtii uu ku doodayey in uu isku keenayo iyadoo la wada ogyahay Gobolka uu ka soo jeedo ee Mudug xaaladiisu meesha ay marayso, isagoo ku guuldaraystay in uu gobolka Mudug oo aan helin dawladnimo ilaa iyo aasaaskii Puntland uu wax ka qabto? Isagoo ku guuldaraystay in uu bixiyo Mushahaarkii Ciidamada iyo shaqaalaha dawlada Puntlad halka xukuumadii uu dhaleecaynayey ay bixinaysay Mushahaarka marka laga reebo bilihii ugu dambeeyey.

Daawo-Dhagayso: Cade Muuse ”waxba ma qaban C/wali Gaas“

Daawo videoga

Puntlandes.com

About The Author