War deg deg ah: In ka badan 120 Xildhibaan oo ka soo horjeestay Xukuumadda Cusub

Xildhibaano tiradoodu ka badan tahay 120 xildhibaan oo maanta kulamo gooni gooni ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay inay ka soo horjeedaan Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay Raysul Wasaare Sharmarke.

Xildhibaan u hadlay Xildhibaanada oo saxaafada la hadlay ayaa yiri ”waxaan isku balansanay in aan ridno Xukuumadda cusub marka maalinta isniinta Baarlamaanka la horkeeno”

Waxaa halkaas mugdi ku galay rajadii laga qabay in ay Xildhibaanada DFS ay ansixiyaan Xukuumadda cusub,  Waxa tanina ay muujinaysaa in DFS ku jirto marxal siyaasadeed oo aad u xur qarna ka tuuraya rajadii dawladnimo Soomaaliya ka hana qaada.

Wixii war ah kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

 

About The Author