Sheekh Shaakir iyo wafdi uu hoggaaminayo gaaray Garowe

Sheekh Shaakir Cali Xassan oo ka tirsan Hoggaanka Ahlusunna oo ay weheliyaan Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdisamad Macallin Maxamuud iyo xildhibaanno ka titsan Baarlamanka Galmudug ayaa maanta soo gaaray magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Wefdiga oo ka yimid magaalada Dhuusamareeb ayaa xalay ku soo hoyday magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug halkaas oo ay arroornimadii hore ee saaka safar dhulka ah ugu soo jarmaadeen Garowe.

Imaatinkooda ayaa ku soo beegmay xilli maalmahan uu Garowe ku suganyahay Hoggaamiyaha guud ee Ahlusunna Macallin Maxamuud Sheekh Xassan islamarkaana la hadal-hayo in uu safar dibadda ah u baxayo inkastoo aan weli la xaqiijin dalka uu tegi doono.

Hoggaanka ururka Ahlusunna oo in ka badan 12-sannadood ka talinayey gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay inay ka tanaasuleen kadib markii ay  dowladda Federaalka Soomaaliya uga adkaaday dagaal halkaas ku dhexmaray.

Puntlandes.com

About The Author