Midowga Afrika oo ka hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

07 Marso 2020 (Puntlandes) Midowga Afrika ayaa markiisii ugu horeeyay ka hadlay khilaafka sii jiitamaya ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha Guddiga Midawga Afrika Moussa Faki Mahamad ayaa walaac ka muujiyay xiisadda ka dhex aloosan labada dowladood ee Soomaliya iyo Kenya.

Muose ayaa ugu baaqay Xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi inay ka shaqeeyaan sidii dib caadi loogu soo celil lahaa Xiriir Siyaasadeed oo ku dhisan derisnimo iyo saaxiibnimo si meesha looga saaro mugdiga ka dhex jira dowladahaan.

“Waxaan ka codsadanayaa dhamaan daneeyayaasha Geeska Afrika in door wanaagsan ay ka qaataan sidii loo xakameyn lahaa dhammeynta khilaafka diblumaasi ee ka dhex jira Dowladaha Soomaaliya iyo kenya.”ayuu yiri Muossa Faki.

Muossa Faki waxa uu sheegay in Midowga Afrika oo kaashanaya Beesha caalamka ay sii wadi doonaan dadaalada la isugu soo dhaweynayo Soomaaliya iyo kenya oo xubno ka ah Ururka Midowga Afrika.

Xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaan wanaagsnayn iyadoo dowlad walba ay tan kale ku eedeysay inay farogelin ku hayso.

Puntlandes.com

About The Author