Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Gaas oo maanta ku soo wajahan magaalada Garowe

07 Marso 2020 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Sabti ah taariikhduna tahay 7da marso ku soo wajahan magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa dalka dibaddiisa ku maqnaa mudda 13 bilood ah isagoo 2dii Febraayo 2019 ka dhoofay magaalada Garowe kadib doorashadii Puntland ka dhacday 8-January 2019 ee lagu doortay madaxweyne Deni.

Gaas ayaa la sheegaya in uu marti-qaad rasmiya ka helay madaxweynaha haatan talada haya ee dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku casumay Shirka Wada-tashiga Puntland ee qorshaysan in la qabto 15-ka bishaan Maarso 2020

Puntlandes.com

About The Author