Farmaajo oo shirkad Maraykan ah u kireystey sidii uu taageero uga heli lahaa Kongreska Maraykanka

24 April 2021 (Puntlandes) Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka kireystey gudaha dalka Maraykanka shirkad gaar ah si ay olole uga dhex sameyso kongreska dalka Maraykanka.

Shirkadan oo la yiraahdo LFA Holdings ayaa bishii la soo dhaafay waxay kula heshiisay safiirka Somaaliya ee dalka Maraykanka in ay gacan ka geysato abaabulka booqasho uu ku tago Mareykanka Madaxweynaha waqtiga ka idlaaday ee Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Sida lagu daabacay wargeyska Foreignlobby.com Safiirka Soomaaliya u fadhiya Maraykan Cali Shariif, ayaa siiyay lacag dhan 150,000 oo dollar oo diiwanagelin ah shirkada ka dhax ololeesa congrass Maraykanka waxana uu ka dalbay sidii Madaxweyne uu ku imaan lahaa Maraykanka uuna ula kulmi lahaa guddiga arimaha dibadda iyo xubno ka tirsan Maamulka Madaxweyne.

Heshiiskaan ayaa la kala saxiixday 22kaMaarso, xilli dowladda Maraykanka ay ka dalbaysay Soomaaliya in wada hadalka uu sii socda muddo kordhin aan la aqbali doonin.
Dowlada Maraykanka ayaa si aad ah uga hortimid muddo kordhinta uu sameystey Farmaajo waxaana general madaxda ka ah ciidamada Maraykanka ee Afrika Gen Townsend uu ku tilmaamay muddo kororsiga inay ka xun tahay Alshabaab.

About The Author