Dowlada Qadar uu Muqdisho usoo diraysa Ergay gaar ah

30 April 2021 (Puntlandes) Ergayga gaarka ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar u qaabilsan La Dagaalanka Argagixisada iyo Dhexdhexaadinta Khilaafyada Dr. Mutlaq bin Majed Al-Qahtani ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu soo gaaro caasimada dalka ee Muqdisho.

Ujeedada ergeygaan oo aan is rasmi ah loo shaacin ayaa lagu macneeyay inay tahay sidii uu dhexdhexaadin uga geysan lahaa khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Dowlada Qadar ayaa xiriir wanaagsan la leh dowlada Soomaaliya waxaana mashaariic badan ay ka hirgelisay dalka Soomaaliya.

Dadka arrimaha siyaasada lafagura ayaa sheegaya in ergeygan uu isku dayi doono sidii uu u xalin lahaa mashaakilka ka jira arrimaha doorashooyinka.

Ergeygan oo ah nin waayarag ku ah dhexdhexaadinta khilaafyada ayaa hore uga soo shaqeeyay sidii loo xalin lahaa khilafka dowlada Maraykanka iyo ururka Daalibaan ee dalka Afghanistan,waxayna qaramada midoobay u aqoonsatay dhexdhexaadiyaha ugu wanaagsan caalamka sanadkii 2020.

Dowlada Qadar ayaa dhowaan beenisay in lacag gaar ah ay siiso dowlada Soomaaliya gaar ahan taliyaha nabadsugida Fahad Yaasiin oo xiriir dhow la leh dowlada Qadar.

About The Author